32 Qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Dalka Afghanistaan

32 Qof ayaa ku geeriyootay 17 kalena dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaadhay, markii ay Maanta oo Arbaco ah Miino la kacday Gaadhi Bas ah oo ay saarnaayeen Dad Rayid ah, xilli uu marayay Waddo u dhaxeysa Kandahar iyo Herat ee Dalka Afghanistaan.

Afhayeenka maamulka Gobolka Farax , Muhibullah Muhib, oo warbaahinta Al-Jaziira la wadaagay qasaaraha halkaasi ka dhashay ayaa sheegay in ay Dadkaasi ku waxyeelloobeen Miino ay Ururka Taliban ku aaseen Waddada dhinaceeda.

“Miinadu waxay ahayd mid dhowaan ay meesha geliyeen Jabhadda Taliban, iyaga oo uu bartilmaameedkoodu ahaa Ciidamada Afghanistaan iyo kuwa nabad ilaalinta Caalamiga ah, waxanay dhibbanayaashu u badnaayeen Haween iyo Carruur”,ayuu yidhi, Muhibullah Muhib.

Sediq Sediqqi, oo ah Afhayeenka Madaxtooyada Afghanistaan ayaa dhimashada ku sheegay in ay gaadheyso 34 Qof, wuxuuna mas’uuliyadda qaraxa dusha ka saaray Ururka Talibaan ee Gacan-saarka la leh Al-Qaacidda.

Advertisement

Ku Xayeysiiso