Sii Deynta Maxaabiistii Budhcad-badeedku waxay ahay Talaabo Aadaminimo  oo xaga fiican loo qaaday   Culayskeedana leh !


Sii Deynta Maxaabiistii Budhcad-badeedku waxay ahay Talaabo Aadaminimo  oo xaga fiican loo qaaday   Culayskeedana leh !

Waxay ahayd  bishii Labaad ee Sanadkii 2012 markii ay heshiis Caalami ah ay magaalada London ku kala sexeexdeen Madaxweynaha Dalka  Seychelles Mudane  James Michel iyo  Madaxweynihii hore ee Dalka Somaliland Mudane  Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, heshiiskaasi oo ahaa in Maxaabiis budhcad-badeed ah Soomaali ah  oo Xukunkooda Maxkamadeed lagu qaaday Dalka Seychelles loo soo wareejiyo Jeelasha Somaliland si ay mudada lagu xukumay ay ugu qaataan Jeelka Hargeysa.  Heshiiskaas ay labada Madaxweyne kala saxeexdeen waxaa goob joog ka ahaa  Wasiirkii Dalka Ingiriiska u qaabilsanaa Qaarada Africa, Henry Bellingham, iyo Wasiirrada Arrimaha debeda iyo waliba gudaha ee Dalka Seychelles iyo madax kale.

Ujeedada guud ee ay Somaliland u gashay heshiiskaas una ogolaatay in budhcad badeed reer Soomaaliya ah la keeno Somaliland waxay ahay iyada oo Xukuumada Somaliland si Aadaminimo iyo Muslinimo iyo Soomaalinimo ah u aqbashay Codsi uga yimi Qoysaskii maxaabiista oo Somaliland ka dalbaday in ay Maxaabiistaas qaabisho si ay ugu fududaato booqashadooda iyo ka war-hayntooda maadaama aanay Dalka Seychelles tegi karin kuna booqan karin oo ay culays ku ahayd.

Shuruuda ay Xukuumada Somaliland ee waagaasi ay hor dhigtay Waalidiinta iyo waliba Dunida waxay ahay in qofkii si ikhtiyaar ah oo xor ah u dalbada oo kaliya ay qaabilayso, shuruuda kale waxay ahayd in go’aanka Xukunka ku dhacay uu yahay go’aan kama danbays ah oo aanuu rafcaan u hadhin.

Hadaba Maxaabiistan oo aan shakhsiyan ku booqday Xabsiga Hargeysa waxay badankoodu ahaayeen qaar aan wax rafcaan ahba ka qaadan Xukunkii koowaad ee ku dhacay,  waxaanay ii sheegeen in sababta ay Rafcaanka u qaadan waayeen ay ahayd iyaga oo ka baqanayay in ay ku sii jiraan Xabsiyada
Seychelles baahi culusna u qabay in Hargeysa loo soo wareejiyo si ay dadkoodu usoo booqan karaan. Waxaa maxaabiista Jeelka Hargeysa ku jirtay ka muuqatay inay helaan daryeel fiican eheladooduna ay kaga war-hayn jireen kuna booqan jireen Jjeelka,  inkasta oo maxaabiista qaarkood oo aan la kulmay ay ka muuqatay didmo iyo anfariir iyo waliba xanuun nafsi ah oo ay keentay Xukunka mudada dheer ahaa ee ay ku xukunaayeen kaasoo qaarkood Labaatan Sanadood Xabsi gaadhaya ay ku xukunaayeen.

Aad iyo aad ayaan ugu Mahadnaqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ee qaatay go’aanka geesinimada leh ee uu maalintii Shalay  uu ku sii daayay xubnahan Xabsiga ku jiray oo kala ah:

1) Maxamed Axmed Ciise
2) Cadow Cali Cismaan
3) Cabdillaahi Yuusuf Xirsi
4) Axmed Cali Cismaan
5) Axmed Cali Siciid
6) Maxamed Axmed Cali
7) Bashiir Khaliif Xaashi
8. Cabdirisaaq Maxamed Cali
9) Cabdifataax Axmed Xasan
10)  Nuur Maxamed Aadan
11)  Jamaal Maxamed Cali
12)  Cali Maxamed Cali
13)  Cabdillaahi Maxamed Xasan
14)  Cabdi Tahliil Xasan
15)  Daahir Cabdillaahi Warsame
16)  Cabdiqaadir Cabdi Cali
17)  Cabdinuur Xaaji Aadan
18)  Maxamed Maxamuud Xasan
19)  Abuukar Axmed Ciise

Waa go’aan culus oo miisaankiisa leh, waxaase hubaal ah inuu ahaa go’aan bini-aadaminimo oo loo baahnaa oo xiligii ku haboonaa yimi.

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Advertisement

Ku Xayeysiiso