Murashax Siciid Cudhay Oo Hambalyo u diray Heshiiskii Madaxda Saddexda Xisbi qaran ka gaadheen Khilaafkii Guddida Doorashooyinka

Murashax Siciid Cudhay Oo Hambalyeyey Guul Qaran-Na  Ku Tilmaamay Heshiiskii Saddexda Xisbi Qaran Ku Soo Afjareen Khilaafkii Guddida Doorashooyinka  Ka Taagnaa

Murashax Siciid Cabdisamed Axmed (Siciid Cudhay) oo ah murashax u taagan Xildhibaanimadda doorashadda golaha deegaanadda ee Caasimadda Hargeysa, ayaa si weyn u soo dhaweeyey shacabka Somaliland-na ugu baaqay inay sido kale  soo dhaweeyaan taageerona u muujiyaan heshiiska 3 geesoodka ee Labada Xisbi Mucaarid iyo Xisbul Xaakimka taladda Somaliland haya ee Kulmiye ay ku soo afjareen khilaafkii hore loogu maaro waayey ee ka taagna Xubnaha Guddida Doorashooyinka qaranka iyo Qabashadda Doorashooyinka golayaasha wakiilada iyo Deegaanadda Somaliland oo dib u dhacyo badani hore ugu yimaadeen.

Md Siciid Cabdisamed Axmed oo ka mida raga ugu cad cad ee u Gobolka Maroodi Jeex u taagan murashaxnimadda Xildhibaanimo ee doorashadda golayaasha Deegaanadda ee dalka inay ka qabsoonto la filaayo, kana sharaxan Xisbiga Mucaaridka ee UCID, ayaa waxa uu Siciid guul qaran iyo heshiis wakhtigiisii ku soo beegmay uu ku tilmaamay heshiiska ay labada Xisbi Mucaarid ee WADDANI iyo UCID oo dhinaca iyo Xisbul Xaakimka KULMIYE ee taladda dalka haya ku kala saxiixdeen Hargeysa kaas oo xal kama dambeys ah looga gaadhay khilaafkii mucaaridka iyo Xisbiga Kulmiye ee ay ku abtirsato Xukuumadda Somaliland u dhexeeyey mudo sannad iyo Badha isaga oo Murashax Siciid Cabdisamad u tahniyeeyey Hogaamiyayaasha Xisbiyadda UCID Eng. Faysal Cali Waraabe , Guddoomiyaha Xisbiga Waddani md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Madaxweynaha Qaranka Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye md Muuse Biixi Cabdi heshiiska Saddex geesoodka ee khilaafkii guddida doorashooyinka iyo Qabsoomida doorashooyinka ka taagna ay ku xaliyeen.

 

Murashax Siciid Cabdisamed Axmed oo qoraal kooban oo uu saxaafadda ugu talo galay Warbaahinta soo gaadhsiiyey ugu na tahniyadeeyey Madaxda Saddexda Xisbi qaran heshiiska ay ka gaadheen Khilaafkii Xubnaha Guddida Doorashooyinka waxa uu yidhi “Waxaan halkan si wayn uga tahniyadaynayaa hambalyona uga dirayaa Madaxda Saddexda Xisbi qaran ee UCID, Waddani iyo Kulmiye oo xal muhiima oo wakhti la wada sugaayey in khilaafkaasi doorashooyinka qabsoomidooda ka taagna la xaliyo ay gaadheen Axsaabta qaranku, waxaanan leeyahay Guddoomiyayaasha Xisbiyadda UCID Eng. Faysal, Guddo. Xisbiga Waddani md Cabdiraxmaan Cirro iyo Madaxweynaha Qaranka oo dabcan xisbigiisa taladda haya ee Kulmiye metelaayey heshiiskaasi ay saddexda dhinac ku xaliyeen khilaafkii xubnaha guddida doorashooyinka iyo qabsoomida doorashooyinkaba ka taagna arintaasi si balaadhan oo cod dheera ayaan ku taageerayna hadii aanu nahay raga aan ka mid ahay ee u sharaxan doorashadda golayaasha deegaanadda Somaliland ee Carqalada dib u dhacyada keenay uu khilaafka hada la xaliyey, shacabka reer Somaliland iyo Madaxda Axsaabta qaranka ee heshiiska wada galayna laba talo ayaan u kala jeedinayaa oo shacabka Somaliland waxaan leeyahay waa inay soo dhaweeyaan heshiiskaasi Xisbiyadda qaranku wada galeen waa mid aad loo sugaayeye, madaxda Axsaabta qaranka iyo Xukuumadabana waxaan leeyahay heshiiska aad kala saxiixateen waa in dhinac kasta dhankiisa fuliyo si doorashadu wakhtigeeda inoogu qabsoonto inaga oo og in wakhtiga hadhay aad u kooban yahay, Wa Bilaahi Tawfiiq”

Advertisement

Ku Xayeysiiso