Madaxweynihii Tuniisiya oo geeriyooday

Madaxweynihii Dalka Tunisia, Beji Caid Essebsi, ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Tunis ee Caasimadda Dalkaasi, sida ay daabacday Wakaaladda wararka ee , Associated Press AP.

Idaacadda Dowlada ee Wataniya ayaa sheegtay in, Beji Caid Essebsi loola cararay Isbitaal ay Militarigu leeyihiin Xalay, halkaas oo uu ku geeriyooday, waana markii Saddexaad ee Todobaad gudahii uu galo dhaqtarka, markii ay la soo derseen xaalado caafimaad darro.

Beji Caid Essebsi, oo 92 jir ku geeriyooday ayaa ahaa Madaxweynihii ugu horreeyay ee si Dimoqraaddi ah loo soo doortay, isagoo Xafiiska qabtay Sanaddii 2014 –kii , ka dib kacdoonkii Carabta ee talada lagaga tuuray hoggaamiyihii hore ee Tuniisiya, Zine El Abidine Ben Ali.

Beji Caid Essebsi, ayaa dhowaan sheegay inuusan isu soo sharrixi doonin doorashada lagu wado in ay dhacdo Bisha Noofembar ee Sanadkan, sababo la xiriira xagga da’da.

Madaxweyne , Beji Caid Essebsi, oo ahaa asaasaha Xisbiga cilmaaniga ah ee Nidaa, ayaa lagu xusuustaa hadal uu soo jeediayay Augost 2017-kii, oo ahaa in la simmo dhaxalka Raga iyo Dumarka iyo in Haweenka Muslimka ah ay guursan karaan Ragga aan Islaamka ahayn, taas oo ay ka dhalatay cadho aad u weyn.

Advertisement

Ku Xayeysiiso