Magacyada 8 Shirkadood oo ku Guulaystay Mashaariic ay u Tartameen

Guddida Qandaraasyada Qaranka ayaa shaaciyey 8 Shirkadood oo ku guulaystay Mashaariic laga hirgalin doono gobollada iyo degmooyinka dalka.

Madasha shaacinta 8-da shirkadood ee ku guulaystay qandaraasyadan waxaa Goob joog ka ahaa Xubno ka mid ah Guddida qandaraasyada qaranka iyo agaasimaha guud ee Guddida qandaraasyada qaranka.

Ugu horayn Gudoomiyaha Guddida qandaraasyada qaranka Nuux Maxamed Xuseen ayaa ku dhawaaqay shirkadaha ku guulaystay mashaariicdaas oo kala ah.

Shirkada Caalim Construction ayaa ku guulaysatay Dhismaha Waadhka Dumarka ee  Cisbitaalka Dhimirka ee Hargaysa, halka Shirkada Brothers Construction ayaa ku guulaysatay dhimaha guriga shaqaalaha ee Kastamka Abaarso.

Shirkada Bushaaro Construction ayaa iyana ku guulaysatay Dhismaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee Gobolka Sool. Shirkadda Anduluus Construction ayaa ku guulaystay dhismaha xarunta wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee laga hirgalinayo Laasgeel iyo dhagax guure.

Shirkadda Hal san Construction ayaa ku guulaysatay dhismaha guriga shaqaalaha ee Kastamka Saylac .

Shirkada Naasahablood Construction Ayaa ku guulaystay dhismaha hoolka Wasaaradda Maaliyadda ee Lawyacado. Sidoo kalena Shirkada Naasahablood Construction ayaa ku guulaystay Dhismaha hangarka caasha cado manay Jirin cid kula tartantay. Waxa kaloo Shirkadda Dhool ay  ku guulaystay Dhismaha Dayactirka iyo dib u habaynta xarunta wasaaradda horumarinta caafimaadka ee Caasimadda hargaysa.

Waxaa halkaas ka hadlay shirkadihii ku guulaystay qandaraasyadan iyo kuwii laga guulaystay oo ku amaanay Guddida qandaraasyada qaranka hannaanka daahfurnaanta leh ee ay qandaraas bixintan u mareen.

Gabo gabadii waxaa halkaasi ka hadlay Komishineer Cabdi Giire iyo Komishineer Maal oo ka mid ah Xubnaha guddida qandaraasyada qaranka oo ka waramay siyaasada xafiiska qandaraasyada qaranka.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso