Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika oo ka degay Muqdisho

Wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Dalka Koofur Afrika, mudane; Thabo Mbeki, ayaa goor dhowayd ka degay Magaalada Muqdisho.
8
Thabo Mbeki, ayaa hoggaaminaya Guddi heer sare ah oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika, waxaana Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cabdulle kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane; Danjire Axmed Ciise Cawad, wakiilka Soomaaliya u fadhiya Xoghayaha guud ee QM, James Swan, u qaabilsanaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Francisco Madeira iyo madax kale.

Advertisement

Ku Xayeysiiso