BORAMAY XAAL QAADO.

Marka hore dhamaantin waxan idinku Salamaya salaanta Islamka S.c.w.wB.

Bacda salaan waxa igu kalifay inan qoro maqaalkan oo aan la daahay Abwaanka dhalinta yare e la yidhaa C/raxman Abbes. Oo dhawaan aan daawada isagoo leh,  Borama waxa la ii geeyey in la igu dilo.

Hadaba aan kuu jawaabo’e aniga mihnadaydu maaha maanso yahan, hadii aan karayona maan soo qoreen maqaalkan ee waxan tiring laha tix ka kooban Kun tuduc oo aan kuugu timaamayo Borama waxay tahay.

Se waxan awooda qiyamka ay agtayda ka leedahay.

–          Boorama waa meel hadaan o socdaalo aan tirsado maalmaha safarkayga ka hadhay xiiso aan u qabo darted, deegankeda qurxon, qaabka dabiiciga ah ee Allah u dejiyay Buuraha ay ku dhex taal, waa meel marka aan ka soo baxayo aan dib u sii eego,

–          Abwaan waxad tidhi, La ima sii day nee waa la I sii daystay’ oo waxa la rabay in Borama la igu dilo. Aan kaaga jawaabo e’ ee Borama qori ma yaal ee Qalin aya yaal. 
waxana u daliil ah dadkeedu waa dad Amusan, hadaan kuu fasiro midaasi. Soo qaad laba tanag, mid Biyo ka buuxi midna ka daa’ badadeed Ul ku garaac labada tanag. Waxan filaya waxa dhawaq dheeraarn doona midka madhan. Sidan aaminsahay Borama waxa ku yar tanaga madhan ee qaylada badan, hadaan mar kale fasiro waxan uga jeedaa Borama waa Hoygii aqoonta ee maaha meel qaylo badan.
aniga hadii Borama la I geeyo waxan u arki lahaaba fursad la rabo in aqoontayda kor laagu qaado,  

–          Dhulka soomalidu degto ilahay ha inoo nabad yeelo ‘e . Manta way jiraan deegaamo shantii saladood ee faralka ahaa, Duhur, iyo Casar kaliya Jamac lagu tukado,  sadexda salaadood ee kale guryaha aya lagu tugadaa. Waliba labada Jamaca  Masaajidka waxa gudaha u gala oo kaliya Imaamka inta kale dibada ayay kala socdaan Imamka iyaga oo ka cabsi qaba in lagu qarxiyo Masjidka, oo qofku inta uu tukanayo Orodbaa u cabaysan oo haduu shanqadh yar maqlo waa laga yaacaa salada.
Abwaan hadii ay dawladu melahaa ku gayn lahayd sidan manta kuula doodayo ayaan kuugu doodi lahaa. Oo dawlada waxan odhan laha Abwanka way dhibsadeen, halka aan manta u arko in lagu jecel yahay hadiiba Borama lagu geeyey. Waxa lagula rabay Cibaado, Aqoon iyo inad soo barato dad lagu dayan karo,

Dad lagu dayan karo waxa kuugu filan, hadaan dhawr qof ka magacabo, Siyaasi haday tahay waxa ka dhashay siyaasiga ugu edebta badan Somalida, waa M.ku xigeenka manta JSL,

 Mr C/raxman (Saylici), waxa ka mida Madaweynihi hore, oo xadhigan aad manta ka qlinaysaan dulqaab u lahaa . Mr Riyaale oo aan u aqoonsanahay Madaxweynihii ugu dul qaadka badna dhulka somalidu degto. Haday aftahan tahay Pro Axmed Ismail, haday Macalin tahay prof, Saleban oo aynu dadka somalida dheer nahay, haday Abwaan tahay, Hasan sheikh Muumin ( AHUN) oo ruwaayado iyo heeso xigmada badan alifay oo aan cidna ku maagi jirin ee Abwanimadiisa u hibeeyay guubaabinta bushada, halka aad manta sugaan siyaasadeedka waqtiga badan idinku qaadata aad ku maagtaan shaqsiyaad.
dhinaca  Fanka Hibo Nuura oo si asluub leh u jili jirtay Ruwayadaha waliba inta badan ku matali jirtay Marwada Ruwayda. Hada la soco intaa hal door ee aan soo tilmaamay bedelkodi waa laga heli karaa degaanka ay ka soo jeedaan.
waliba 10% maaha inta aan kaaga tilmaamay Borama iyo Gobolk Awdalba.

Ugu danbayn Abwaan waxa laga sugaya inaad raali galin ka bixiso hadalkaagii deel qaafka iyo degdega ahaa ee aan dhibsaday anigu aad saxafada ka tidhi. Xadiis Nabawi ah ayaa ina farayay Walaalkaa haduu qaldan yahay u hiili hada laga gar daran yahayna u hiili.
manta waxay joogtaa waad qaldantay oo waan kuu hiilinayaa.
hadii aad dhibsatay maqalkaygana raali ka ahaw wll.
Borama aniga xaal siiyay. Ma awoodo wax aan ku xaal mariyo, kol ay tahay suugaan aan ku tilmaamo intan aan qoray maqaalkaygan. 
wa bilaahi Tawfiiq.

Maxamed maxamud Axmed   ( Arts )
Gabiley Somaliland
maxamedarts1@gmail.com 
+252 63 4466498
+252 65 9875050

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso