Xasan Sheeh oo Sheegay in ay tahay Mid ka madhan mas’uuliyad ummadeed in la siyaasadeeyo arrimaha horumarinta, ganacsiga iyo gargaarka , Somaliland ugu Baaqay Is Xakamayn “SI JIRTABA SIIMA JIRTO”

Md Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii Hore ee Somaliya ayaa sheegay in uu ka xun yahay Culayska ka soo Waajahay Somaliland Markabkii Xoolihiisa la xayiray Waxaanu arrintan kagaga hadlay Qoraal uu Soo Dhigay Bartiisa Arrimaha Bulshada ee Facebook.

Qoraalka Xasan Seekh ayaa u dignaa Sidatan:-

“Waxaan ka xummahay ganacsatada iyo xoolo dhaqatada Somaliland ee culeysku ka soo wajahay markabka ay saaran yihiin 20ka kun ee neef ee ariga ee dekedda Jeddah loo diiday inuu ku dejiyo xoolaha.

Waa wax ay ka maran tahay mas’uuliyad ummadeed in la siyaasadeeyo arrimaha horumarinta, ganacsiga iyo gargaarka oo dhammaan si toos ah u taabanayo nolosha muwaaddinka caadiga. Gaar ahaan arrinka markabkaan, waxay si toos ah u taabanayaa nolosha dadka reer guuraaga ah ee duruufaha ka yimid isbaddelka cimilada awalba la tacaalayay.

Dowladda Somalia waxaan ku boorinayaa in nolosha dadka Soomaaliyeed wax walba laga hormariyo. Dadka qaarkiina ay qabkooda dib u liqaan.

Dowladda iyo dadka reer Somaliland waxaan leeyahay “SI JIRTABA SIIMA JIRTO” ee idinkuna isxakameeya.”

Advertisement

Ku Xayeysiiso