50 Qof oo ku dhimatay daadad ka dhacay Dalka Nepal

Ugu yaraan 50 Qof ayaa ku dhimatay, tiro intaa ka bandanna waa lagu la’yahay daadad iyo Dhul go’ ka dhacay Dalka Nepal, markii ay halkaasi ka da’een Roobab lixaad leh Saacadihii lasoo dhaafay.

Daadadkan ayaa sidoo kale saameeyay degaanno ku yaalla Waqooyi bari Dalka Hindiya, halkaas oo ay sidoo kale ku dhinteen 11 Qof markii uu Karkaarrada jabsaday Webi Gobolkaasi ku yaalla.

Saraakiisha Boliiska Dalka Nepal ayaa sheegay in 33 Qof haatan la waayay raq iyo ruux, Tuulooyin dhowr ahna ay Biyaha qaateen, iyadoo ay Dad gaaraya 1,100 kalena ay kasoo badbaadiyeen goobaha ay mashaqadu ka dhacday.

Advertisement

Ku Xayeysiiso