Yaa iska leh eeda dagaalka Ceel afweyn?

sida aynu ogsoonahay waxa deegaanka ceel afweyn ka socota colaad u dhaxaysa laba beelood oo wada dega deegaankaas . colaadaasi waxa ay soo jiitamaysay muddo ka badan dhowr iyo toban sanadood, ilaa hadana weli waa loo maara la,yahay.

hadaba su,aashi waxa ay tahay yaa iska eeda dagaalka ceel afweyn? maaxse loogu guul daraystay in la soo afjaro? hadda muxuu yahay xalku?

haddii aan isku dayo inaan ka jawaabo su,aalahan waxa ay aniga  ila tahay

1- dirirta ka socota ceel afweyn waxa eedeeda iska leh labada beelood ee wada dega degaanka ceel afweyn waayo haddii iyagu ay dhamaysan lahaayeen dhibkan dhexyaala cid kale waxba kama guri  karto, laakiin imika cadowguna waa ku soo dhexdhuuman karaa waxna soo soo dhex marsan karaa

2. waxa aan la wadaa soconaa in marar tiro badan la isku dayey in la soo afjaro dagaalka  ka socda ceel-afweyn nasiib darro marna laguma guulaysan sababtuna waxay ilaa muuqataa, dadka ay colaadu dhextaalaa marna weli may go,aandsan inay  joojiyaan dhiiga daadanaya , qolo kastaana waxa ay ku dagaalamayaan arrimo aan hadda si fiican u muuqan oo iyaga u qarsoon. sidaa daraadeed dedaal kasta oo la sameeyaa waxa uu noqonayaa hal bacaad lagu lisay

3. su,aasha u danbays oo ah hadda muxuu yahay xalku ? waxa ay aniga ilatahay hadda waa in ay dawladdu soo fara gelisaa . marka ay tani oo kale dhacdo dawladdu wax ay isticmaali kartaa habka afka qalaad lagu yidhaa( bottom up Aproach) oo ah in nabada laga soo xidho gunta iyada ay ogol yihiin dadka dirirtu u dhaxayso dawladuna ay fuliso wixii lagu heshiiyo, tusaale ahan haddii dawladdu ka saxeexdo odayaasha deegaanka in qofkasta oo hub lagu arko dawladdu kala wareegto taasi waxay keernaysaa in dadku hubkood qarsadaan nabaduna sidaa ku guntanto.

Allaa mahad leh

Abdilahi ali Derie

Email: Abdilahi_3@hotmail.com

Tel: 0634465037

Advertisement

Ku Xayeysiiso