Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Ka Qeyb-galay Sannad Guuradii 10aad Iyo Qalin Jebinta Dufcadii 9aad Ee Dugsiga Abaarso.

Hargeysa-10-08-2019-(ToggaHerer)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qeyb galay Sannad guurada 10aad iyo qalin jebinta dufcadii 9aad ee Iskuulka Abaarso oo ku yaala deegaanka Abaarso ee Galbeedka Caasimadda Hargeysa.

Ugu horayn waxaa halkaasi hadal ka jeediyey islamarkaana warbixin siiyey Madaxweyne ku xigeenka, maamulka Iskuulkaasi kana waramay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray, sidoo kalena waxay shaaca ka qaadeen inuu maanta toban jirsaday Boodhinka Abaarso ayna ka aflaxeen arday kala duwan, kuwaasi oo ka yimi deegaanada kala duwan ee Somaliland, dhanka kalena waxay sheegeen in iskuulkani uu qeyb ka qaato sidii wax loo bari lahaa caruurta agoonta ah, waxaana ay halkaasi kusoo bandhigeen arday dhamaysay Qur’aanka Kariimka ah oo uu Musxafka Qur’aanka iyo shahaadiiyin gudoonsiiyey Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu.

Wasiirrada Wasaaraddaaha, Waxbarashada iyo Sayniska Cismaan Jaamac Aadan, Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa hambalyo u diray ardayda iyo guud ahaanba Iskuulka Abaarso, waxaana ay sheegeen in Iskuulkani iftiin u yahay aqoonta Somaliland islamarkaana kalsooni buuxda lagu qabo wax barashadiisa, isla sidoo kale waxay ka dhawaajiyeen in dhawaan ay yimaadeen Macalimiin ka timi adduunyada kuwaasi oo loo soo diray inay tababar kusoo qaatan Dugsiga, waxaanay waaladiintii iyo dadweynaha Somaliland ugu baaqeen in meel looga soo wada jeesto dadka cadowga Somaliland ah ee Iskuulkaasi dagaalka ku haya.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu horayn hambalyo balaadhan u diray ardayda ka qalin jabinaysay dugsiga Boodhinka ah ee Abaarso kuwaasi oo dhamaystay waxbarada dugsigaasi, Madaxweyne ku xigeenku waxaa uu bogaadiyey maamulka iyo macalimiinta dugsigaasi, isagoo shaaca ka qaaday in dugsiga Abaarso yahay mid la majiirto.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in dugsiga Abaarso yahay mid aqoontiisa la majiirto ardayda ka baxda ee qabata Jaamacadaha adduunyaduna ay magaca Somaliland gaadhsiiyeen meelo badan, taasina ay guul u tahay Somaliland iyo dadkeeda, Madaxweyne ku xigeenku waxa uu ardayda kula dardaarmay inay halkaasi kasii wadaan dedaalka aqoontana sii kordhiyaan isagoo u sheegay inuu dalkoodu hodan yahay, loona baahan yahay in aqoontaasi laga midha dhaliyo, ka xukuumad ahaana ay diyaar u yihiin waxkasta oo kor loogu qaadayo aqoonta iyo culuumta kala duwan ee dalka.

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenku waxa uu baaq nabadeed u diray dadka walaalaha ah ee dagaalku ku dhex marayo Degmada Ceel-afweyn iyo deegaanada ka tirsan, waxaana uu ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan oo ilaahay ka baqaan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso