FESOJ waxa ay soo dhaweyneysaa xukunka lagu riday askari boolis oo Muqdisho ku dilay sawir qaade.

Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ waxa ay soo dhaweyneysaa xukunka shanta sano ah iyo bixinta magta ama diyada 100 geela ee lagu xukumay askari boolis ah oo si bareer ah u toogtay wariye sawir qaade ah oo u shaqeynayay telefishinka SBS kaas oo lagu magacaabi jiray C/risaaq Iimaan Qaasim bishii July 2018kii.

1-da November 2018, ayay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida xukun aan xilligaa la shaacin waxa ay ku riday eedeysane Cabdullaahi Axmed Nuur,kaas oo ay maxkamaddu ku heshay danbiga lagu soo eedeeyay. ”

Kiiskan waxa aan daba soconnay in muddo ah, waana Ilaah mahadii in la xukumay askarigii dilay wariyaha isaga oo maqan, waxaan hey’adaha amniga DFS ka codsaneynaa in ay gacanta ku soo dhigaan dambiilaha si uu u maro xukunka lagu riday” Waxa sidaa yiri Maxamed Ibraahim Macalimuu , Xoghayaha Guud ee Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ.

Marar dhawr ah ee xubnaha Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed la kulmeen ,masuuliyiin ka socota laamaha amniga iyo wasiiradda wasaaradaha ay quseyso ,waxana xiriir dhow aan la laheyn waalidka wariyaha la toodtay bishii July 2018kii.

“Waa in la soo qabtaa oo sharciga la horgeeysaa kuwa tacadiyada u geysta wariyayaasha ,si wadankeenna Soomaaliya uu uga baxo liiska uu safka hore weli uga jira ee dalalka aan lala xisaabtamin kuwa gabood fallada u geysta suxufiyiinta iyo shaqaalaha kale ee warbaahinta “ Waxa sida yiri Abaadir C/qaadir Cilmi Guddoomiyaha Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed FESOJee horey loo dhihi jiray NUSOJ isaga oo intaa raaciyay in tani ay tahay tallaab horey loo qaaday.

FESOJ waxa ay dhanka kale cambaareyneysaa xukunka lagu riday wariye C/maalik Coldoon oo ah nin samafala ah ,kaas oo maxkamadda gobolka Maroodi Jeex ee Hargeysa ay ku xukuntay 3 sano bar xabsi ah.

FESOJ waxa ay rumeysan tahay ,xukunka xabsiga sadaxda sano iyo barka ah ee lagu riday wariye Coldoon waa mid liddi ku ah xurrital qowlka iyo dimuquraadiyadda ,sidaa awgeed waxa aan ugu baaqeynaa dowladda Soomaaliland in ay si dhaqso ah oo shuruud la’aan ah ay ku soo sii deyso wariye Coldoon

Advertisement

Ku Xayeysiiso