Baraarug Madax-Wayne!!!

BARAARUG MADAX-WAYNE!!!

Mahad celin Madax-wayne iyo Haruumarka lixaadka leh ee ka socda degmada 26 ka June iyo nawaaxigeeda;

1. Waad ku mahadsan tahay madax-wayne dhiska wadda isku xidha Hargeisa iyo Wajaale oo meel fiican maraysa (ilaa Arabsiyo) 

2. Waad ku mahadsan tahay  Madax-wayne hirgalinta wada boqol iyo kontonka iyo dhiska laamigeedaba. (150 street).

3. Waad ku mahadsan tahay Madax-wayne dhiska madaxtooyadda cusub  iyo wadada tegaysaba.

4. Waad ku mahadsan tahay Madax-wayne dhiska wadda Faluuja ilaa Xaraf. Inkastoo taasi kayn cidla ah dhex marayso hadana waad ku mahadsan tahay dhiskeeda100%.

5. Waad ku hadsan tahay Madax-wayne hirgelinta biyo gelinta 26-ka june oo meel fiican maraysa.

6. Waad ku mahadsan tahay Madax-wayne magaalaynta iyo dhiska Magaallo Biixi ee loo raray barakacayaasha. 

7. Waad ku mahadsan tahay Madax weyne dhamaystirka wadda safari, Xero-awr ilaa suuqa.

8. Waad ku mahadsan tahay Madax-wayne qorshayaasha cusub ee dhiska Istaaad-house-ka, dawladda hoose, crasharkeeda iyo wadooyinka tegayaba iyo qorshaynta dhiska mashruuca wadada labada boqol (200).

GUUD AHAAN MAHADSANID MADAX-WAYNE TAARIIKHDAANA KU XUSI DOONTA!!! By Adam Ali Suuq

Advertisement

Ku Xayeysiiso