Kenya oo xukunkii ugu dheeraa ku ridday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Maxkamad ku taalla Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa xukunkii ugu muddada dheeraa ku ridday Saddex Nin oo loo haysto in ay qeyb ka ahaayeen weerarkii Argagixisanimo ee 2-dii April 2015-kii ka dhacay Jaamacadda Gaarisa.

Mohammed Abikar iyo Hassan Edin Hassan, oo kasoo jeeda Dalka Kenya ayaa lagu xukumay min 41 Sano oo Xabsi ah, halka , Rashid Charles Mberesero, oo u dhashay Tanzaaniya isna lagu riday cimri daa’in, kaas oo ah xukunkii ugu dheeraa ee ay Dowladda Kenya ku xukunto Rag loo haysto falal la xiriira Argagixisonimo.

Garsoore; Francis Andayi, oo ku dhowaaqay xukunka Saddexdan Nin, ayaa sheegay in Raggani ay ka tirsan yihiin Kooxda Al-Shabaab ee uu fadhigeedu yahay Soomaaliya, Gacan saarkana la leh Ururka Al-Qaacidda.

Weerarkii 2015-kii lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa, ayaa waxaa ku geeriyootay 148 Qof oo u badan Arday, kaas oo ah dilkii ugu badnaa ee ay Argagixisadu ka geysato Kenya, marka laga reebo qaraxii 1998-dii ka dhacay Safaaradda Maraykanka ee Nairobi, halkaas oo ay ku naf waayeen ku dhowaad 200 Qof.

Advertisement

Ku Xayeysiiso