Hadii Ina Sanweyne Loo Gaysan Jiray Garta Ina Beergeel Ayaa Loo Geeystaa Maanta Qore: Maxamed Xoosh

Madaxweynihii u horeeyay ee maraykanka George Washington waxa laga reebay

“Waxaanu Doonaynaa Dawlad Sharcigu Sareeyo, Ma doonayno Dawlad Qofaf Ka Kooban”

 

Jamhuuriyada Somaliland si aad u ogaatid Ha`yadaha dawladu  siday u socdaan ama wax kaaga baxaan  waa inaad QOF ka mid ah soo qaadato Waayo Dawladnimadii oo aan adkaan awgeed

 

Xaalada guud ee Garsoorka Somaliland wuxuu  la socdaa koritaanka ha`yadaha kale ay ka kooban tahay dawladnimadu

 

QOFNA XILKA LOO MAGACAABO AYAA WAX KA  DHIGA, QOFNA ISAGAA XILKA WAX KA DHIGA OO HAL ABUUR IYO KARTI KU SOO KORDHIYA …. Ina Beergeel wan ka danbe

 

Cabdirashiid Beergeel waa garsoore ilaahay bulshada ogalaysiiyay dadweyne badan oo maxkamadaha cadaalad usoo doontaa waxay yidhaahdaan “Hadii Ina Beergeel Joogo Isagay Noogu Dhantahay” Waa qubuul ilaahay bixiyo iyo daacadnimo iyo cadaalad laga arkay

 

Sideedaba Kiisaska Dhaxalka dadweynuhu dibada ayay ku dhamaystaan XAGA maanta Garsoore C/rashiid Beergeel lagula soo hagaago

 

Wuxuu dheeryahay garsoorayaasha kale isagoo si qotodheer u diraaseeyay fiqiga diinta ee garsoorka iyo kala saarida dadweynaha iyo isagoo aqoon dheeraad ah u leh xeerarka iyo dhaqanka geedka soomaalida “Garta”

 

Waxa u raaca sifooyin uu ku adagyahay qaarkood ay keentay barbaarkiisii hore

Daacadnimo badan oo dhabarka ku haysa alle ka cabsi iyo dadka jilicdasan oo loo adeego

Go,aan adayg isagoon cidna raali galinayn

 

Cadaalad ay dhif tahay in la helo baryahan danbe DADKA UGU BADAN EE UU ILAALIYAA WAA DADKA AAD U JILICDASAN EE LA DULMAAYO/

 

Waxa u kala baxsan Ina Beergeel Aduunka iyo Garsoorka oo ah aafada ragaadisay Cadaalada sababo ay ka mid tahay “Isagoon Baahi u Gayn Garsoorka”

 

Ugu danbayn waxaan filayaa in uu garsoorku u baahan yahay Ina Beergeel ee aanu isagu u baahnayn, Joogitaanka qofkaas oo kale iyo la dhaqankiisu wuxuu badali karaa guud ahaan garsoorka laga cabanaayo had iyo goor wuxuu noqon karaa tobabar jiilasha soo kacayaa ku daydaan

 

Cilmiga Siyaasadda Iyo Dawladnimada Garsoorku waa tiirarka ugu culus ee laga maarmaanka ah si hore loogu socdo

 

Qofka haboon meesha haboon in la geeyo.

 

Alle Mahad Leh 

Advertisement

Ku Xayeysiiso