Aragtidayda hadallada beryahan danbe kasoo yeedha Madaxweynaha Dawlada Xamar

aniga oo ah muwaadain degann gabiley waxaan doonaya inan ka hadlo hadallada beryahan danbe kasoo yeedha madaxweynaha dawlada xamar iyo raysal wasaare khayre oo indhawaalahanba caadaystay inay ummadda la horyimaadaan hadallo  indhola,aan ah, islamarkaana ka fog xaqiiqda iyo laablakac afka baarkiis ah oo ay isleeyihiin wax ku yeel soomaliand.

hadaba waxan u sheegayaa labadan shaqsi in khudbadkasta oo ay jeediayaaan sii xoojiso soomaalilaanimada waayo marka iska indho tiraan xaqiiqada dhabta ah ee taala soomaalialnd , shacabka soomaaliandna way sii fogaadaan in fog inta cirka iyo dhulku isku jiraan.

hadaba waxaan kula talin lahaa khayre iyo farmaajo haddii ay doonayaan soomaaliweyn  dhab ah waa inay marka hore aqoonsadan soomaaliand kadibna raadiyaan soomaali weyn loo dhan yahay oo laga wada tashaday hadii kale idinkuna ka biximaysaan gumaysi , shacabka koonfurtuna waxa uu isu bedeli doona dad aan garanayn waxa ay dawladnimadu tahay waayo wiilka dhashay 1990 maanta waa 29 jir ku garaadaystay dawlad la’aan ,berri marka uu xukunka qabtona yeeli maayo wixii ku soo barbaaray wax ka duwan oo  ah dawladd la,aan.  halka qofka jooga soomaaliand intaa ku soo gaadhay dawlad , nabad iyo kala danbeyn buuxda .

gebagabadii waxan  odhan lahaa badbaadiya shacabka koonfureed maanta jaaniskii u danbeeyay idinka ayaa u haye, kuna dhawaaqa aqoonsiga soomaliad , markas aya waxwalba idinka degi doonaan .

by . Abdilahi Ali Derie

email. abdilahi_3@hotmail;.com

tel: 0634465037

Advertisement

Ku Xayeysiiso