Gudoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Somaliland oo munaasabad soo dhoweyn iyo hadhimo sharafeed isugu jirta u sameeyey wefti maalgashadayaal ciraaqiyiina ah oo u socdey inay dalka somaliland maalgashadaan

Gudoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Somaliland oo munaasabad soo dhoweyn iyo hadhimo sharafeed isugu jirta u sameeyey wefti maalgashadayaal ciraaqiyiina ah oo u socdey inay dalka somaliland maalgashadaan

Cabdi Cabdillaahi Xirsi (Dayax-weerar) gudoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Somaliland oo munaasabadan u sameeyey wefti maalgashadayaal ah ayaa sidoo kale u mahadnaqay shahaado sharafna ku gudoonsiiyey shakhsiyaad qurbajoog ah oo dalka ku soo hagey weftigan isla markaana ku dhiiri geliyey in ay markasta ka shaqeeyaan wixii danta dalku ku jirto, isaga oo sheegay in markasta oo maalgashiga dalka lagu sameeyaa bato ay yaranayso shaqo yaraanta ka jirta wadankeena ee haysata dhalinta reer somaliland,
Gudoomiyaha oo munaasabada ku furay hadalo soo dhoweyn u badan ayaa Weftiga uga xaal warramay deganaanshaha iyo amniga ka jira dalka isla markaana ku dhiiri geliyey weftiga in ay Somaliland tahay dal ay hore u maalgashadeen shirkado waaweyn oo caalami ah hour mar balaadhanina ka socdo wuxuuna yidhi “ ku soo dhowaada somaliland dal amni ah dal aydaan ku dareemi doonin wax takoor ah dhan ay tahayba dal shirkado waaweyn oo caalami ahi hore maalgashi uga samaysteen oo aan ahayn meel looga shaki qabo in carqalado maalgashi hor istaaga idinkaga yimaadaan Somaliland hoeru mar ballaadhan ayaa ka socda kazoo qayb gala oo door muuqda ka qaata horumarka dalka somaliland ka socda.”
Maareeyaha Hay’adda wadooyinka Somaliland Mudane Cismaan Shiikh Cabdi iyo dhamaan madaxdii halkaasi ka hadashay ayaa si weyn u soo dhoweeyey weftiga isla markaana ku dhiiri geliyey in ay Somaliland maalgashadaan.
dhanka kale Weftigan ayaa mahadiyey amniga, xorriyadda iyo jawiga degan ee ay kula kulmeen somaliland iyaga oo sheegay in ay deegaanada kale ee somalildu degto oo dhan ka doorteen somaliland nabada iyo deganaanshaha yaalla awgeed.
Gebagebadii Gudoomiye Cabdi Cabdillahi Dayaxweerar ayaa Halkaasi ku Gudoonsiiyey Shahaado sharaf Saddex Xubnood oo ka mida Qurbajoogga Somaliland oo isugu Jirey maalgashadayaal iyo xubno kale oo firfircoon oo ka qayb qaatay imaanshiyaha weftigan ee dalka somaliland waxaana ka mid ahaa xubnaha shahaado sharafta la Gudoonsiiyey,
• Gudoomiyaha jaaliyada Germany Mudane Maxameed Xuseen Warsame (Dhacsi)
• Maalgashade Jiif Caaqil Muuse Cali Xirsi
• Mudane Cabdi Maykal
Waxana uu gudoomiyuhu uga mahadnaqay dedaalka ay wadaan sidii Somaliland horumar ballaadhan u gaadhilahyd.

Advertisement

Ku Xayeysiiso