Ciidanka Liibiya oo falaagada Jan, Haftar ka qabsaday Magaalo muhiim ah

War ay soo saartay Dowladda Liibiya ee uu taageero caalamka ayaa lagu sheegay in ay fallaagada mucaaradka ka qabsatay goobo muhiim ah, oo ay ka mid tahay Magaalada Ghyaryan, kadib dagaal xooggan oo halkaasi ka dhacay.

Saraakiisha Ciidamada ammaanka Dalka Liibiya weli kama hadlin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi oo ay la galeen maleeshiyaadka daacadda u ah Janaraal Khalifa Haftar.

Magaalada Gharyan, ayaa ah meel ay gurmadka iyo Saadkaba ka heli jireen Ciidanka Janaraal Haftar, si ay u soo weeraraan Caasimadda Liibiya ee Tripoli.

Maleeshiyaadka uu hoggaamiyo Janaraal Khaliifa Haftar, ayaa Gacanta ku hayay Magaalada Ghyaryan, tan iyo Bishii April ee Sanadkan, halkaas oo ay ka soo weerari jireen Caasimadda Tripoli.

Wakaaladda Wararka Reuters oo la hadashay Dadka degaanka ayaa soo warisay in Ciidanka Liibiya ay weerar lama filaan ah ku qaadeen Magaaladaasi Ghyaryan oo ku dhow caasimadda Liibiya, waxaana jira maxaabiis laga qabsaday fallaagada.

Dhanka kale, Afhayeen u hadlay Millitariga Liibiya ayaa Wakaaladda Wararka Faransiiska ee AFP u sheegay in Magaalada ay qabsadeen ay ka dhigan tahaya,in awoodda Ciidanka Janaral Haftar ay sii wiiqmayso.

Qalalaasaha ka taagan Dalka Liibiya ayaa Cirka isku sii shareeray wixii ka dambeyeey markii xukunka laga tuuray hoggaamiyihii hore ee Dalkaasi Col; Mucamir Alqadafi, Sanadkii 2011-kii.

Advertisement

Ku Xayeysiiso