Ma gobolada waqooyi ee somalia ayaa xornimada ka qaatay Ingiriiska 26 june mise dalkii la odhan jiray Somaliland? W.Q Abdiqani Salaf

Yuhuuda aya qirsan wixi ka horeeyay 1965 in aanay Israel jirin oo wadankaasi aha falasdiin qadaad wayna waxay dafireen dalkii ingiriska xornimada ka qaatay ee la odhan jiray #British_ #Somaliland  hada maaha ta maanta waa Somaliland tii lixdankii lamidawday.

 

Marqudha ma ogola inay afkooda ka sheegaan waa maalintii Somaliland dalkii la odhan jiray xornimada qaatay ee hadana uu Somaliya lamidoobay maanta iskaba daaye bal tii lixdankii maxay u dafirayaan qadaadwayn. Maalintan debaal dageeda waa inay iska daayaan ama ay runta ka sheegaan. Aduunyada taariikhdu ma lunto inta beenta sheegaysa uunba ka tagi doona aduunka lakin tariikhdu way noolaanaysa oo dhiman mayso waligeed.

Bal caqli xumadooda lixdankii  ma gobolo waqooyi ayaa jiray ileen lama midoobine mise waxa lakala ahaa Somali Italy iyo British Somaliland? Haday sidaa tahay maxad beenta idiinku wacan. Ma inta Yuhuudu carabta uqirayso ayad noo qiri waydeene hadii aynu midawno ma hadhbaa noo jiidaysaan.

Ugu danbayn waxaan qormadayda kusoo afmeerayaa dhalinyarada reer Somaliland yaan laydin qaldin ee markaad ka hadlaysaan ama hambalyaynaysaan maalintan ha odhanina waa maalintii calan somaliyeed la taagaye waxad tidhaahdan waa maalintii Somaliland xoriyadda ka qaadatay boqortooyadii aan cadceedu waagaa ka dhici jirin ee ingiriiska. Waayo Somaliyi Xornimada maalinta inalamay lahayn waxay gaar u ahayd reer Somaliland.

Allah  Mahad leh.

Abdiqani Salaf. Hargeisa.

Advertisement

Ku Xayeysiiso