Saddex Dariiqo Dal haystaa Dowlad waarta mayeesho

Dalka Somaliland waxa ku nool oo ku dhaqan oo leh Dad Soomaali ah oo Sooc ah oo aanay ciddi taraxin, waa Ummad isku Af, Diin, Dhaqan, Midab iyo isku Suurad iyo Sansaanba ah, waa Ummad leh Hide iyo Dhaqan facweyn oo ay ku adag yihiin kuna dhaataan oo Soo jiree ah, waa Ummad leh Xeerar, Shuruuc iyo Caadooyin Da’ weyn oo kuyimi dhacdooyin dhacay wixii lagu kala xaalay ee lagu kala baxay oo laga dhigtay Xeer sharci Dhaqameed oo wax kala haga oo  lagu dhaqmo oo lagu kala baxo oo ay fuliyaan Madax-Dhaqameed ka kooban Waayeel, wax-garad, Salaadiin, Ugaasyo, Garaado, Cuqaal iyo Guurti Xeer beegti ahi, Madax-Dhaqameedkaa oo matalaaya ardaayada iyo beelaha ay mujtamacu ka koobanyey ahna kuwa maamulka dhaqanka dawliga ah u ah, oo noqonaaya dawlad iyo maamul ku salaysan dhaqanka iyo hidaha lacaadaystay.

Haddana Dalka Somaliland waa Dal Muslin ah oo shacabkiisu 100% ay haystaan Diinta islaamka oo Muslin sunihii Nabiga NNKH taabacsan, Calanka Somaliland waxa kuyaala Tawxiidkii Illaahay SW taas oo caddaynaysa sidda Dalka Somaliland Dadkiisu ay Illaah aaminiin u yihiin, Ummada reer Somaliland maaha Ummad wakhtiyadan danbe diintu soo gaadhay mana aha Ummad dirrir iyo seef lagu muslimiyey waa Ummad muslintay oo qaadatay Diinta Nabigii Illaahay NNKH oo nool oo dacwada fidinaaya, Taasna waxa u caddayn ah waxa ku yaala Somaliland Masjid labo qiblo leh oo ah wakhtigii Qudus qibladu ahayd in ladhisay oo markii Makka loo soo jeysteyna qiblada kale lagu daray, Dadka reer Somaliland waa dad Diinta ku Adag oo ku dhaqma aadna u Ciseeya oo Xoojiyana islaamnimada, Somaliland waxa kuyaala goobo maxkamado Diinta iyo kitaabka Illaahay wadaado Culimo ahi Dadka ku kala hagto oo ugu Gar soorto iyada oo guud ahaana Maxkamadaha madaniga ah uu Kitaabka quraanka ah uu yahay ka gacanta laysku saaro, Siddoo kale Madaxweyne iyo masuul qaranba marka xilka loo igmado waa inuu Kitaabka gacanta saaraa.

Bal Haddana Dalka Somaliland waa Jamhuuriyad Dumuqraadi ah oo leh Xukuumad Dumuqraadiya oo ku salaysan habka Xisbiyada badan ee Dumuqraadiga ah iyo Madaxweyne loogu tartamo laguna doorto codbixin si dumuqraadi ah, Somaliland waxay leedahay  Gole baarlamaan oo si dumuqraadiya loosoo doorto iyaga oo ah sharci dejin halka Golaha Xukuumadu uu sharci fulin yahay waxa jira isna Gole Guurti oo ah Golaha Waayeel ka, Somaliland waxay leedahay Shuruuc ay dhigteen oo ku salaysan Dumuqraadiyad oo ay fuliyaan Xaakimo iyo qareemo fadhiya maxkamado, shuruucdaa oo qaar ay muhindiseen qaaRna ay kasoo maanguuriyeen dalalka ku dhaqma Dumuqraadiyada oo ay kaga daydaan shuruucda iyo xeerarkaa u dhigan dalalka Dumuqraadiga ah, Siddoo kale Somaliland waxay Guno kaga heshaa Dalal shisheeye ah meel marina iyo ku Dhaqanka habka Dumuqraadiga ah ee ay isku maamulaan, Dalalkaa oo lagu sheego DEEQ bixiyayaal.

Sikasta ha ahaatee Runtii Saddex Dariiqo oo laysku maamulo oo kala duwan ayaa Somaliland  ka wada jira oo kawada howl gala, waxaana taas u daliil ama caddayn ah waxa dhacda in qaar bulshada reer Somaliland ka mid ah marka ay xaajo dhex marto in sharciga dowliga ah laysla tiigsado oo inta ay ku qanci waayaan ay ka dalbadaan Maxkamadaha in kiiskooda kala baxaan oo arinkooda ay debada iyo qaab Dhaqameed ku dhameysanayaan oo ay Madax Dhaqameed arinkooda gelliyaan haddana marka ay dhaqankii laysku mari waayo layskula weecdo dhankaas iyo Culimadii Diinta oo Dhaar iyo Kitaab laysla doonto. Waa hubaal oo waa wax jiree Saddex Dariiqo Dal heystaa Dowlad waarta mayeeshaa Maxaa Xal ah??.

Waxa ay ilatahay aniga maRna aan soo jeedin lahaa……….. Lasoco Qaybta danbe.

Illaahay baa Mahad leh

Midnimana Somaliland

Fuad Fartaag

Fartaagmuwaadin@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso