Madaxweyne Biixi oo Xil ka Qaadis iyo magaacbis Sameeyey

WAREEGTO MADAXWEYNE

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/XM/XKQ/222/1-328/062019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

 

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne

 

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

 

 

 

Ku: Maxamuud Saleebaan Ciise (Mingiste),

        Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyey Dalka Shiinaha

 

Ku: Maxamed Cabdikariim Cumar Ismaaciil,

       Safiir Ku-xigeenkii hore Somaliland u fadhiyey dalka Itoobiya

 

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

 

 

Mudanayaal,

 

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad u hayseen Qaranka.

 

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka ee kor ku xusan.

 

Magacaabis

 

Markaan Arkay:              Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

 

Markaan Arkay:              Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

 

Markaan ku Qancay:        In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

 

Markaan Sameeyey:        La-tashi Ballaadhan;

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

 

 

Tir Magaca Xilka

1.Maxamuud Xaamud Cumar Guddoomiyaha Gobolka Badhan

2.Cabdiraxmaan Axmed Muuse Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Badhan

3.Cawil Ibraahim Cali Wakiilka Xafiiska Ganacsi ee Somaliland ee Dalka Shiinaha

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso