Taariikhdii Madax-waynihii hore ee Masar Maxamed Mursi

Taariikhdii Maxamed Mursi
oo kooban, Madax-waynihii hore ee masar.

Noloshiisii:
Maxamed Mursi Ciise Ciyaad oo ku magac dheer Maxamed Mursi waxa uu dhashay 20 Aug 1951 tuulada la yidhaa Caddwah isla xaafada barri. Waxaanu ku bar-baaray isla tuuladaa Caddwah.
Aabihii wuxuu ahaa Beer-wale (beerallay) hooyadii guri jog ayay ahayd sida caadiga u ah dumarka masar. Maxamed wuxu la dhashay laba hablood iyo saddex wiil, isagaana ugu waynaa oo curradna u ahaa qoyskooda,jaamacadda Qaahira ayuu usoo waregay isagoo ka noqday macalin ama (Lecturer). Inta ka dib wuxuu galay ciidamada badda sanaddii 1975 isagoo ka midd noqday guutadda labaad.
Maxamed waa xaaslay wuxuna guursday 30 Nov. 1982, waxaanu dhalay shan caruur ah:
• Ahmed
• Shimah
• Usama
• Cumar
• Cabdulaahi
Shaqooyinkiisi iyo tacliintiisa
1. 1975kii Degree ugu horeeyay wuxuu ka qaatay Jaamacada Qaahira kuliyada Engineering isoo keenay darajada u saraysa A grade ka ama (mumtaaz ka).
2. 1978kii Master na wuxu ka qaatay Jaamacada Qaahira isoo ka qaatay Philosophic Engineering.
3. Master kale wuxu ka diyaariyay Jaamacadda South California ee ku taal Maraykanka isla Engineering kii uun isla markana uu macalin ka noqday.
4. 1982kii PHD waxa uu ka diyaariyay isla Jaamacada South California ee Maraykanka.
5. 1982-1985kii Borofoseer caawiye ayu ka noqday Jaamacad ku taal Maraykanka oo la yidhaa North Rich, waxna uu ka dhigay jaamacadaa.
6. 1985kii Wuxu noqday maddaxa Kulliyadda Engeneeringka ee Jaamacadda Saqaasiiq ee Masar .
7. Isagoo buuggag badana ka qoray waxa loo yaqaan HABAYNTA OOGGADA WALXAHA MACDANTA AH. (معالجة أسطح المعادن).
Siyaasadda.
• Ururka Ikhwaanu Muslimiinka wuxu ku biiray si ku meel gaadh ah 1977kii, si rasmi ahna wuxuu ugu biiray 1979kii isagoo loo magacaabay xubinimo qaybta siyaasadda ah.
• Wuxuu isku sharaxay golaha shacabka 1995kii , laakin wuxu ku guulaystay sanadkii 2000kii. Isla 2005kii wuxu codd aad u sareeya uu kasuu baxay doorashooyinkii golaha shacabka ee baarlamanka.
• Waxaa loo doortay xubin guddida ladagaalanka Sahyuuniyadda.
• 2004kii wuxu ka xaadiray samayntii Jabaddii isbadal doonka.
• 30 April 2011 Waxaa loo doortay golaha shuurada Ikhwaanu Muslimiinka isagoo gudoomiyena ka noqday Xisbiga xornimada iyo caddaalada (حزب الحرية والعدالة).

Hadimooyinkii uu la kulmay.
1. 18 May 2006 ayaa maxkamadi ku xukuntay 7 billood kadib markii lagu eedeyay inu ka qayb galay mudaharaad lagu doonayay laba xaakin la badallo doorashoonyinkii baarlamka 2005kii Maxamuud Makki iyo Hishaam Bisdaawiisi.
2. 28 April 2011 waxaa loo xidhay Tawradii dhalin yaradda ee xilka ka tuurtay maddax waynihii Maxamed Xusni Mubaarak waxana lagu xidhay jeelka Waadi Nadruun isaga iyo maddax badan oo Ikhwaanka ah.
3. 2 Feb 2012 saddex wiil oo uu dhalay ayaa dhaawacyo soo gaadheen markii ay hareereeyeen 300 oo ah caloosha u shaqaystayaashii Mubaarak (Baldaqiyiintii) kadib markii geed ku yaal Magaalada Saqaasiiq ay ku xidheen 35 saacadood.
Musharaxnimadiisii
Ka dib markii uu ku wareejiyay Bikhayrat Shaadir , maxmed mursi musharaxa madax tinimada ee masar 7 April 2012, isagoo ku mutaystay sumcad wayn oo uu shacbiga dhexdiisa ku lahaa.
Nasiib wanaag maxamed mursi 24 june 2012 ayaa la shaaciyay inuu ku guulaystay doorashadii ug horaysay ee uu shacbi doorto madax wayne ee dalka masar isoo helay 51.7% shabacka masar, wuu kaga guulaystay dhigiisii la tartamayay Axmed Shafiiq oo helay isna 48.3%.
Saacaddo ka dib marki la shaaciyay guushiisaa ayuu ku dhawaaqay inuu iska casilay maddax golasha hanuuninta bulshadda ee Ikhwaanu Muslimiinka iyo maddax xisbiga Xorriyada iyo Caddaalada.
Maxaa lagu xasuusan karaa Mursi?
1. Kullankii Islaaka: 6dii February, 2013 kii, ayaa magaaladda Qaahira lagu qabtay Kullankii Isalaamka ee 12aad, waxana hogaaminayay Madaxwayne Mursi, waxaa xusid muddan, kasoo qayb galay Madax waynahii Dalka Iraan Maxamed Axmed Najaad, oo noqonaya madax waynihii u horeeyay ilaa 1979kii oo xidhidhka dublamaasiyaddeed ay kala furteen Iraan iyo Masar. Halka Maxamed Mursina uu Dahran booqday 20kii August, 2012kii.
2. Musaharka Shaqaalah: Mushaharka Shaqaalaha Dawladda Masar ayuu %15 sare u qaaday 30kii June, 2010kii.
3. Dhoofinta: Sanadkii u horeeyay Masar waxayaabaha ay dhoofiyso waxay sare u kaceen %23, iyadoo aanu Baatroolku ku jirin waxayalaha la dhoofinayo.
4. Milatarigga: Raashinka lasiiyo askarta ayuu %15 sare ugu qaaday.
5. Cafis Dayn: 44kun oo Beerwale, ayuu ka cafiyay dayn ku dhaw 1.5 billion Gini.
6. Dul Beereed: 2 million oo Hector ayuu Sudan ka beeray oo Qamadi ah, iyadoo laga maraamay ama isku-filaansho laga gaadhay baahidii Qamadigga loo qabay.
7. Warshaddaha: Wuxuu sameeyay Magaalo Warshadeed ka kooban 50 Warshadood oo Suuriyaan ah. Sidoo kale wuxuu oo uu ka furay goobta 6da October goob wax soo saarka Turkigga lagu soo bandhigo.
Afganbigii lagu ridday Mursi:
30kii June, 2013kii ayaa Banaanbaxyo abaabulan la iskugu soo baxay magaalooyinka waawayn ee dalka Masar. Iyadoo lagu dalbanayo inuu xilka ka tago maxdaxwaynaha Maxmed Mursi. Isla markiiba iyadoo Milatirigga Masra soo saaray in wadanku galay xaalad dagaansho la’aaneed. 3dii July, 2013kii ayaa si rasmi ah Milagtigu ugu dhawaaqay in xilkii laga casilay (Afganbiyay) Madaxawaynihii Mursi.
Beesha Caalka maxay ka tidhi:
a. U.S.A.: Madax waynaha Maraykanka Baraak Ubaama, ayaa ku dhawaaqay in Milatrigu xaaladii caadiga ahayd kusoo celiyaan waddanka, iyadoo aan wax dhaleecayn ah loosoo jeedin riditaanka dawlada Mursi ee Codbixinta lagu soo doortay.
b. UN: Maartin Naysriki oo ku hadlaya affka Qaramadda Midoobay ayaa ku dhawaaqay in Godoomiya Qaramadda Midoobay Baan Kii Moon inuu garab taagan yahay waxyaalaha ka socda Masar (Afganbigga).
c. EU: Uqaybsanadda sare ee arimaha dibadda Middawga Yurub Kaartiin Ashton, ayaa sheegtay in maalmul cusubi uu si dhamaystiran u qabsaday, waxaanay ugu baaday in xuquuda bilaadamka iyo xoriyadda la ilaaliyo.
Qabashadii (Xidhidii) Mursi:
Horaantii bishii September, 2013kii ayaa Maxkamdda sare Masar usoo jeedisay Mursi kicin dadwayne iyo dil shacbigga lagula kacay, mudaharaayadii ka dhacay Qasirga Itixaadiya dhamaadkii 2012kii (Xiligii Xusni Mubaarik), halkaas oo ugu yaraan 7 ruux ku dhinteen.

Dhimashadiisii

17kii Juun, 2019 TV-ga Masar ayaa ku dhawaaqay inuu dhintay, isagoo dhagaysigii Maxkamadda ku jira, taas oo uu TV-gaasi ku sababeeyay dhimashadiisaa imuu Wadnuhu Istaagay.

Diyaarintii: Mustafe Abib Mohmed
jawharaani@gmail.com
Hargaysa, Somaliland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso