Haweeneey looga shakiyay in uu hayo cudurka Ebola oo lagu arkay Kenya

Dowladda Kenya ayaa heegan buuxa gelisay Dhaqaatiirta Dalkeeda, markii ismaamulka Kericho, oo ku dhow xadka ay la wadaagto Yugaandha lagu arkay Haweeneey loo maleeyay in uu hayo caabuqa Ebolla.

Bukaankan ayaa laga helay Calaamado muujinayo cudurka looga shakiyay ee Ebola, iyadoo ay weli dhaqaatiirtuna ku mashquulsan yihiin.

Haweeneydan oo aan Magaceeda la shaacin ayaa Maqribnimadii Shalay la dhigay Isbitaalka Kericho, waxaana lagu war geliyay shaqaalaha caafimaadka in aan wax xidhiidh ah lala sameyn bukaanka.

Saraakiisha Caafimaadka ee Kericho , ayaa Maanta oo Isniin ah sheegay in Haweeneydan ay ka timid degaanka Malaba, oo dhaca xadka Yugaandha iyo Kenya.

Madaxa xidhiidhka Bulshada ee ismaamulka, Kericho, Timothy Kemei, ayaa sheegay in ay waaxda caafimaadka ee maamulkaasi ku howlan tahay sidii ay u heli lahayd xog dheeri ah oo ku aaddan la tacaalidda Dadka uu soo rito cudurka, si ay ula wadaagaan Dowladda dhexe.

Advertisement

Ku Xayeysiiso