Qoladan reer Sool ee baryootamayaa Dhakool miyay u hiiliyeen mise dhabarkay ka toogteen?

Waxa saxaafadda la hadlay maanta oo ah 13/06/2019 koox laga soo diray Hargeysa oo Muuse Biixi iyo ina Kaahin soo abaabuleen iyo odayo ay shirka ku qurxisteen oo war ma qabto ah oo Laascaanood jooga. Kooxdan Jeegaantu soo abaabushay soona jicsintay waxa ujeeddada laga lahaa ahayd in xal loo helo wejigabaxa ay xukuumadda Muuse Biixi iyo Maxammed Kaahin kala kulmeen xadhigii sharci darrada ahaa ee ay kula kaceen Dhakool oo reer Sool ah kana tirsanaa baarlamanka maamulka Somaliland. (Qaraabadii Dhakool )

Dhakool wuxuu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa 8dii May, shirkaas wuxuu kaga hadlay 18ka May inay tahay maalin reer gaar ahi leeyahay sidaa daraadeed gobollada qaar aanay khusayn dadkooduna uba yaqaannaan maalin madoow. Wuxuu kaloo ka hadlay saami qaybsiga maskabyada iyo xaqdarrada jirta oo dadka qaar ku dulman yihiin loona baahan yahay in dib loogu noqdo haddii la rabo in si dhab ah wax loo wada yeesho.

Dhakool Shirkii Jaraa’id

 

Laba maalmood kadibna Dhakool waxa loogu dhacay gurigiisa oo la gebagebeeyey, dabadeedna waa la xidhay. Dabadeed Maxkamad baa la soo taagey, xaakimkiina wuxuu yidhi ninkan sharci darraa loo maray qabashadiisa sidaa daraadeed xorriyaddiisa dib ha loo siiyo. (Go’aankii Maxkamadda)

 

Xukuumaddu waxay isku dayday inay baarlamaankii adeegsato si ay xasaanadda uga qaaddo, baarlamaankiina wuu ku gacan saydhay arrinkaas waxayna sheegeen inaan laga xayuubin karin xasanaddiisa. (Go’aankii Baarlamaanka)

 

Wixii ka danbeeyey a) go’aankii maxkamadda iyo b) go’aankii baarlamaanka, xukuumaddii way isku dhex yaacday, waxaana arrinkii gaadhay hay’adihii xuquuqul-insaanka iyo dawlidihii caawinayey Somaliland oo ka muujiyey walaac weyn xadgudubka xukuummadda Muuse Biixi ay kula kacayso dadka, la dagaallanka xorriyatul qawlka iyo cabudhinta muwaadiniinta  iyo sidoo kale ku dhaqan la’aanta sharciga.

 

Arrimaha xukuumadda loo haysto ee ay xalka u weydey waxa ka mid ah

1) Jebinta dastuurka maamulka

2) Aqoonsasho la’aanta iyo baal maridda go’aankii maxkamadda sharciga ah (contempt of court)

3) Aqoonsasho la’aanta iyo ku xad gudubka go’aankii sharciga ahaa ee baarlamaanka

4) Haysashada iyo xorriyad ka qaadidda qof aan sharci ugu xidhnayn.

5) Sharci darradii saqda dhexe loogu dhacay guriga reerka hurda iyadoo aan la haysan warqaddii sharciga ahayd ee soo qabashada (warrant)

 

Haddaba haddii xaal sidaa yahay,

1)Ma Dhakool baa mudnaa in xaal iyo magdhow la isugu daro si xukuumaddu ay wejigabaxa haysta xal ugu hesho, mise xukuumaddii ceebaysnayd baa istaahisha in la xaal mariyo oo laga baryo in Dhakoolkii garta lahaa isagii denbiile laga dhigo?

 

2) Ma odayadan qaylinaya ee wiilkoodu xaqdarrada ku xidhan yahay ayaa mudnaa in la xaal mariyo, mise iyagaa xaal lagu lahaa?

 

3) Nimankan Hargeysa laga soo abaabulay Dhakool ma xaq bay u soo dhicinayaan, mise xaqiisii bay ka qaadayaan/

4) Nimankan qaylinayaa Dhakool miyay u hiiliyeen mise dhabarkay ka toogteen?

 

Waxaan kusoo gebagebaynayaa anigoo aan marna Dhakool u hiilinayn, aamminsanna inaanu mudnayn in loo hiiliyo marka la eego taariikhdiisa, haddana waxaa mudan in loo hiiliyo xaqa oo damiirku shaqeeyo cadaalad darradana laga gilgisho oo mar walba cddaaladda loo hiiliyo. Dhakoolna waxaan odhan lahaa nimankan dhabarka kaa toogtay ha yeelin haddii wuxuun damiir bani’aadam ahi kugu jirona inaad nimakaa sharci darrada kugu afduubay aad sharci iyo maxkamad ku kala baxdaan oo aad kelyo adaygto “ragannimadu waa inyaroo cagaha dhulka lagu sii hayee”. Muuse Biixi iyo ina Kaahin dabar bay kuugu jiraane ha ka sii dayn, waadna awooddaaye qareen aqoon leh oo ka madax bannaan reerahan is eryanaya iyo dhaalinyaradan gaajaysan qabso xitaa hadday kugu kallifayso inaad Nairobi ama Kampala ama meel kaleba kala timaaddid.

By: Maxamuud Ibrahim (Xaaji) 

dalmarbilaal@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso