Dalka Mali oo looga dhawaaqay 3-cisho oo baroor-diiq ah

Madaxweynaha dalka mali Ibrahim Boubacar Keita ayaa ku dhawaaqay 3-cisho oo baroor-diiq qaran ah oo loo sameynaayo dadkii lagu xasuuqay tuulada Sobane Da ee badhtamaha dalkaasi.

Dowladda Mali ayaa maalinimadii shalay ceydhisay Badhasaabkii gobolka Mopti ee badhtamaha dalkaasi ka dib kolkii kooxo hubeysan ay weerareen qabiilka Dogon,halkaana ay ku dleen 95-ruux.

24-caruur ah ayaa ka mid ah dadkaasi la dilay sida ay shalay xaqiijiyeen dowladda mali,waxaana warku intaa ku daray in Lix qof la xidhay ka dib markii la sameeyay baadhitaanno joogto ah.

Ciidamada ammaanka ee dalkaasi ayaa loo qaaday gobolka badhtamaha ee ay ka dhaceen rabshadaha,waxaana la rumeysan yahay in beelaha Dogon oo beeraleey ah iyo Fulani oo xoololeey ah ay soo cusboonaadeen xiisadaha ama dagaalada u dhexeeya.

Advertisement

Ku Xayeysiiso