Maxamuud Cabdi Shide “Tuur” iyo C/raxmaan Maxamuud Caydiid “Soltelco” Laba nin oo isku ADEER ah (Qaybtii 10aad) Maxamed Xoosh

Hala yaabinna qoraaladan hadii ay ku bataan iyado ashkhaas laga hadlaayo, dalkeena si aad u fahantid maamulada ka jira waa inaad magacyo iyo dad ka hadashaa waayo iyagaa laftigoodii ayaa noqda maamulkii

Su,aal igu soo igu soo noq noqtay oo in badan la weydiiyay ayaa ahayd 
Maxaa mayorkii hore Maxamed Xaashi Cilmi u fududeeyay waxqabad balaadhan mudo gaaban?

Marka laga tago Engineer-nimada uu aqoonta u leeyahay oo xaga qorshaynta wax ka tartay

Maxamed Xaashi intaan xilka loo garan waxa u qorshaysnaa HALKA LAGA YIMID IYO HALKA LA JOOGO IYO HALKA LOO SOCDO waxa uu sitay qorshe Strategic ah oo lagaga bixi karo dhibaha jira

Markaa Maxamed Xaashi muu ahayn qof caadiya xil loo dhiibay wuxu ahaa Mayor aan Caadi ahayn oo hal abuur iyo fikir sitay lagaga bixi karo waxa horyaal waxaa u dheeraa hal-abuur iyo hibo maamul !

Mayor Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid mid ayuu cudur daar ku leeyahay, sideedaba marka aad kursiga dibada ka joogto ee aad u haysato in qofku awood buuxda u helaysid go,aan walba waa iska sheeko riyo iyo canaan u jeedin qofka xilka koray “Ama Xasad”

Mar ayaa jirta talaabadaad qaadidba kuu darantahay oo go,aanka saxda ee qalinka ku duugtaa duminayaa ama kicinayaa gadood shacbi, iyo in aan la jeclayn in la qiro waxqabadka qofku soo kordhiyay “qalabka badan iyo Ha,yada dabdemiska” waxaa dadka u muuqda baylahda badan ee ishu qabanayso

Cabdiraxmaan Soltelco waa maamul la mid kuwa jooga iyo kuwii joogi jiray dalka waxaa ka maqan Hibo iyo Hal-abuur tusaale aan ka taabto

Ku dhawaad 3 kun oo bas ayaa caasimada hargeysa ka shaqeeya basaskaasi waxay dhamaan xidheen wadooyinka iyo jidadka faras magaalaha hargeysa xalkeeduna waa fudud yahay……..

weliba dakhli badan ayaa dawlada hoose ka soo geli lahaa jidadkuna wey furmi lahaayeen boqolaal shaqo wey abuuri lahayd waxaa soo bixi lahaa dhul iyo dhismayaal dawlada hoose ku leedahay magaalada

waxa sidoo kale ka mid ah ganacsata yar yar ee gawaadhida gacanta kula wareega bidaacadaha iyaganna waa loo habayn lahaa “noqon mayso meel sida bacadlaha ha lagu xareeyo” waxay u baahan tahay hal-abuur aan hore uga jirin somaliland !

La Soco

Allaa Og Siduu Khayrku Ku Jiro

Advertisement

Ku Xayeysiiso