C/raxmaan Xadaano oo Maqaal Carabiya ka qoray Taariikdii Xaaji C/waraabe

Weedh carbeed ayaa  odhanaysa ” Xiisaha uugu xumi waa Xiisaha aad u xiisooto qofka Qabriga kaaga jira”, Runtii waa weedh aanu dareemayno hadii aanu nahay Reer  Soomaaliland xiligan ciida ee farxaa lagu jiro

waayo dhawar weeg ka hor ayay ahayad markii la soo sheegay Geerida Rukunadii Nabada iyo Heshiisiinta Geeska Afrika waa Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen oo ku magac dheeraa “Xaaji Cabdi waraabe”

Hadaba iyadoo uu sanadihii uugu danbeeyay Marxuumku xanuun la jiifay, sidoo kalana laga dharagsanaa in uu ahaa ninka ilaahay Qabriga ha u nuuree aduunka oo dhan uugu cimriga wayan, isaga oo ku dhintay cimri gaadhaya 122 sanno,  hadana  geeridiisu waxay ku abuurtay  quluubtayada murugo xun, waaxana isla markiiba is qabsaday warka dhiilada tacsida wata  ee la wareejinaayo, haday tahay warbaahinta guud, iyo hadii ay tahay Baraha -bulshadaba.

Waxa kaloo iska soo dabaa dhacay dhanbaalada tacsida ah ee ay soo dirayeen Madaxada Soomaaliyeed, oo uu uugu horeeyo Madaxwayne dawlada fadaraalaka mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, iyo Madaxwaynaha Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyo waliba Madaxwayna gobaleedka  Puntlaand Mudane Saciid dani.

Waxa kale oo laga soo tacsiyadeeyay dawaladaha jaarka ah ee Itoobiya iyo Jabuuti

Haaba maxaa keenay in marxuumka sidaa qiimaha leh loo dareemo dhimashadiisa?

Waxaan shaki ku jirin in marxuumka dadku wada jeclaayeen, sababta oo ah ilaahay wuxuu siiyay hibo ku saabsan sida dadka loola hadlo, oo soo joogsi leh, ilaayo dadkii yaqaanay ku tilmaameen in uu ahaa ” Umad dhan oo Qof kaliya ku wada jirta”

waxa kale uu ahaa Maktabad dhan oo akhaalaq oo dhani ku dheehantahay haday tahay kal adayag , dulqaad, geesinimo, deeqsinimo, codkar, iyo indheer garad.

Nacam, tilmaamahaas wanaagsan oo dhan,  iyo kuwa kaleba waxa laga helayay shakhsiyadiisa ilaahay ha u naxriisto

Waxa laakiin intaas oo dhan uuga sii muhiimsanaa in uu ka shaqeeyo nabada oo ay uugu horayso suluxa dadka is haya dhexdooda

In uu ahaa nin nabdeed waxa inoo xasuusa, sheekada caanka ahayad ee dhex martay isaga iyo ninkii dilay aabihii, oo xiligaa caaqil ahaa

Sida isaguba uu inooga sheekayay waxa uu u anbabaxay sidii uu aabihii uugu soo aari lahaa, hadaba markii uu soo gaadhay gurigii ninkii aabihii dilay ayuu ninkii wax dilay isagoon garnahayn xaaji cabdi iyo kooxdii la socotay ka soo xareeyay roob da’yay, isla markaana sooryeeyay, ka dib ninkii ayuu u yeedhay wuxuu ku yidhi miyaad i garnaysaa? maya ayuu uugu jawaabay ninkii wuxuu ku yidhi waxaan ahay ninkii aad aabihii dishay, ninkii oo salbabakhay..! oo is yidhi way kuu dhamaatay maanta  ayuu la hadlay oo ku yidhi anigu kuma dilaayo waanan ku cafiyay ee inantaada ii maheri cajiib…!

ka dib ninkii waa yaabay waanu la tacajabay caqliga ninkan ku jira sidiibaanu  inantiisii ku siiyay ilaahayna ubad badana u kala siiyay

Mar la waydiiyay waxa ku kalifay in uu arintaa sameeyo? wuxuu ku jawaabay waxaan ka aarsaday iin iyo xumaan sii waarta waxaanan qaatay geesinimada nabada.

Waxa kale oo xaajiga lagu yaqaanay in uu ka soo horyyimid oo uu gaashaanka u duaruuray,  in lala diriro dawladii askarta ee kalitalisnimada ku dhisnayad ee Maxamed Siyaad Barre, waayo wuxuu yaqaanay dabeecada uu ku shaqeeyo nidaamkaasi iyo waliba in aanu midh ka reebahayan, ilaa ay u garaabeen markii xeedho iyo fandhaal kala dhaceen si xuna laysu dilay

Xaajigu hadalo xikmada oo faro badan ayaa laga dhaxlay waxaana ka mid ah

” Waligay markhaati kama noqon gabadh la furaayo, waayo waa guri dumis, waligayna meel dawlad lagu duminaayo ma joogin, waayo waa nidaam la’an iyo baaba”

Waxa kaloo ka mida hadaladiisa ”  Waayo aragnimadayda hadaad aragto nin ku baaqaya dagaal waa ka ugu fulaysan ee ogoow

Geeriada xaajiga waxa ku khasaaray Soomaali oo dhan iyo inta wanaaga ka shaqaysa, waxaanu xaajigu mutaystay Shahaadada sare nabada ee aduunka ee loo yaqaan Nawbalka, waayo wuxuu ahaa  nin dhamaan dadku ka haybadaystaan, waxaanan sidaa u leeyahay wuxuu ilaahay igu ogyahay oo taariikhdu ka maragkacayso in uu ahaa nin maalinta adag ee madaxa lays daro, Eebe ka dib xagiisa la jaleeco, oo ilaahay xikmad ku manaystay, waxaanu ahaa ninka xalka munaasibka ah ee cid waliba ku qanacdo meel gaaban ka soo qabta.

ugu danbayan waxaanu leenahay, xaaji cabdiyoow si kastood nooga maqan tahay xasuustaato ka hadhi mayso  adiga oo godka ku jira, si kastood nooga tagtayna waxaanu ku noolaanaynaa farxadaad u dhafrtay in aanu ku noolaano ciid walba  idinka ilaahay.

waxa kaliyeenu ku awaadnaana waa duco waxaanu ilaahay ka baryaynaa in ilaahay kuu danbi dhaafo oo anaga iyo Soomaaliland kaa siiyo abaalkaaga.

Halkan hoose riix oo eeg Link gii Carabiga ahaa ee uu qoray Cabdiraxmaan Muj Aadan Ruush

 

مع العيد نتذكر رحيل أيقونة السلام في صوماليلاند

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso