95 ruux oo lagu dilay  weerar ka dhacay Mali

Ugu yaraan 95 ruux ayaa habeenimadii xalay lagu dilay dagaal beeleed lagu qaaday qabiilka Dogon  oo ku dhaqan badhtamaha dalka Mali sida ay sheegeen saraakiil u hadlay dowladda.

Ilaal19-qof ayaa illaa hadda la la’yahay tan iyo markii kooxo hubeysan oo aan la garaneyn ay soo weeraraeen tuulada Sobane-Kou oo dhacda gobola Mopti,waxaana warku intaa ku daray in sidoo kale la toogtay xoolo badan ,isla markaana la gubay Guryo .

Dowladadda Mali ayaa sheegtay in ay socdaan baadhitaanno lagu ogaanayo falalkaasi oo lagu tilmaamay in uu yahay mid argagixiso ah oo mar kale ka soo cusboonaaday halkaasi.

Mid ka mid ah dadkii ka badbaaday weeraradaasi oo lagu magacaabo Amadou Togo  ayaa sheeay in ilaa 50 rux oo hubeysan oo watay mootooyin ay soo weerareen tuuladaasi,isla markana ay geysteen falal xasuuq ah.

Advertisement

Ku Xayeysiiso