India :Maxkamad dambi dil iyo kufsi ah ku heshay 6-ruux

Cadho iyo xaalad aan daganeyn oo ka jirtay maamulka Hindiya ee dhinaca Kashmiir,ka dib waxaa maanta Maxkamad la soo taagay lix qof oo lagu soo eedeeyay in ay ka dambeeyeen dhimashada gabadh yar oo muslim ah oo hal sano ka hor lagu dilay halkaasi.

Maxkamad ku taala dalka Hindiya,gaar ahaan gobolka Bunjaab magaalada Srinagar ayaa dacwad la xidhiidhay dil iyo kufsi ku heshay 6-ruux oo Gaangiistarro ah oo sanadkii tagay ka dambeeyay dhimashada Gabadh 8-sano jir ah oo ka soo jeeda Muslimiinta Kashmiir.

Falkaasi dilka iyo kufsiga ah oo sanad ka hor ay geysteen 8-ruux ayaa warku intaa ku daray In 6-ka mid ah sadeeddaasi ruux lagu helay dambiga,waxaana la filayaa in galabta lagu dhawaaqo xukunka raggaasi.

Gabadha yar oo la tilmaamay in ay aheyd 8-sano jir reer baadiye ah ayaa sanad ka hor meydkeeda laga helay xaafadda Kathua ee maamulka Hindiya ee Kashmiir.

Advertisement

Ku Xayeysiiso