“WADDANI Waxaan Kula Talin lahaa inuu dib u Derso Gobolladii Codadkii u Badnaa Lagaga Helay oo aan Xanaf ka Sheekayn” Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta

“Qolyaha shirkaas ku hawlanna waxaan leeyahay waxay kaalini idiinka bannaan tahay sidii loo soo qaban lahaa  gacan ku dhiigleyaashii dhibka Ceel-afweyn ka geystay” Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta

Hargeysa (THN)- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdinaasir Cumar Jaamac ayaa sheegay in xisbiga WADDANI aanu xisaabtamaynin, taasina ay keeni doonto in doorashada dambe lagaga adkaado   160 kun oo cod.

Wasiir Ku-xigeenku waxa kaloo uu xusay in shir beeleedka laga qaban qaabinayo Magaalada Burco aanu wax aan xumaan ahayn soo kordhin doonin. Waxaanu sidaas ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa.

Ugu horeyn Wasiir Cabdinaasir Cumar Jaamac oo ka hadlayey shirka laba beelood oo reer Burco ahi iclaamiyeen wuxuu yidhi“Burco maanta maalin ay ka fiican tahay ma jirto, reero is hor fadhiya oo islaynaya oo isku cadow ahina ma jiro, dadka leh beelo ayaanu heshiisiinaynaana  ma jirto beelo is hor fadhiya oo is laynayaa. Haddii laga tagi waayo  laba reer oo ka mid ah reeraha magaalada Burco dega ayaa magaalada Ceel-afweyn dad isirkaas ku abtirsada oo ILAAHAY iyagana Ceel afweyn  oo gobolka Sanaag ah ku abuuray ayaa xooggaa shaqaaqooyin ah oo laga yaabo  bey’adda iyo deegaanku keeneen  ayey dhex maraan. Qolyaha shirkaas ku hawlanna waxaan leeyahay waxay kaalini idiinka bannaan tahay sidii loo soo qaban lahaa  gacan ku dhiigleyaashii dhibka halkaas ka geystay ee imika baxsadka ku jira,”ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenka Warfaafintu.

Wasiir Ku-xigeenka  waxa kaloo uu intaas ku daray;  “Waxa kaloo kaalini idiinka bannaan tahay sidii loo soo qabqaban lahaa ee loo soo ajari lahaa Arrinta Ceel-afweyn oo dad badanina u xidhan yihiin, xukuumadduna gacan weyn ka geysatay. Waxaan leeyahay waxay kaalini idiinka bannaan tahay sidii loo soo qabqaban lahaa ciddii dishay saraakiishii Ciidammada Qaranka inaad dawladda u soo gacan gelisaan oo aad halkaas kala shaqeysaan. Laakiin magaalada Burco  oo horumarsan oo fiican in la yidhaahdo shir baa lagu qabanayaa, iyadoo aan waliba magaalada oo dad kaloo badan baa ku noole iyadoon lagala tashan, waxaan is leeyahay shirkaas wax uu soo kordhinayo oo xumaan aan ahayni   ma jiro.”

“Nin Xigmaawi ahaa oo Aadan Jaamac Cawke la odhan jiray oo tijaarta dalka ka mid ahaa ayaa  ILAAHAY ha u naxariistee xigmadihiisa waxa ka mid ahaa ‘Waar dagaalka miyiga magaalada  lama keeno’ waxaan uga socdaa labadaas reer ee la leeyahay Burco ayaa lagu shirinayaa waxay labadaas beelood  isir iyo dhiig la wadaagaan reeraha Ceel-afweyn isku laynaya. Macnaheedu waxa weeye dhibkii Ceel-afweyn ka jiray ayaanu Burco keenaynaa oo kaga arrinsanaynaa, wixii halkaas (Ceel-afweyn) ka jiraa in halkaas lagu dhammeeyo ayey ku wanaagsan tahay,”ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka Warfaafintu.

Md. Cabdinaasir Cumar Jaamac waxa kaloo uu ka jawaabay hadallo xukuumadda lagu naqdiyey oo ka soo yeedhay Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI, waxaanu yidhi “Xoghayuhu wuxuu aad ugu dheeraaday oo uu madaxweynaha qaranka ku durayey inuu magacaabay Wasiirro iyo Wasiir ku-xigeenno aan tayo laheyn. Run ahaantii waxaan Xoghayaha u sheegayaa  in madaxweynuhu magacaabay Wasiirro iyo Wasiir ku-xigeenno dalka iyo dadku mid u yihiin. Wuxuu magacaabay Wasiirro iyo Wasiir ku-xigeenno dadka middeynaya oo garanaya deegaan walba baahiyaha ka jira oo og duruufihii dalku soo maray.Markaa hadalkaas Xoghayuhu wuxuu ahaa mid gef iyo ceeb ku ah xisbiga.”

“Waxa aad iyo aad loo xusaa xanaftii doorashadu reebtay,  waxa jirta oo dunidda oo dhan caan ah in axsaabtu ay ku kala xoog badan yihiin gobollada dalka. Xisbiga WADDANI waxaan kula talin lahaa inuu dib u derso gobolladii codadkii u badnaa lagaga helay oo aan xanaf iyo waxan laga sheekayn ee la yidhaahdo Togdheer barigeeda iyo deegaanno ka tirsan Sanaag iyo Sool ayaa nalagaga adkaadayoo sababtaas ayuu KULMIYE codkii nooga qaaday, laakiin isma lihi inta Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)  inta uu leeyahay  Axmed Maxamed (Siilaanyo) waan xukumi lahaa oo jeelka ayaan u diri lahaa, Guddoomiyaha Guurtiddana Saleebaan ayaan ka kaxeyn lahaa oo waxaan keeni lahaa Sh. Aadan isma lihi xisbigaasi wuu xisaabtamayaa, waxa laga hadlayaa 80 kune waxa lagaga heli doonaa 160 kun oo cod doorashada dambe,”ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta JSL.

Advertisement

Ku Xayeysiiso