Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dhismaha waddada isgoosyada Siinaay iyo Baar-Ayaan

Muqdisho, Juun 9, 2019; Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisoow) ayaa dhagax dhigay waddo laami ah oo isku xirta isgoosyada Siinaay iyo Baar-Ayaan ee degmooyinka Warta-nabadda iyo Yaaqshiid.

Guddoomiyaha oo ka warbixiyey dadaalka Maamulka Gobolku ay ugu jiraan horumarinta caasimadda iyo dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha ayaa uga mahadceliyey bulshada degmooyinka Warta-nabada iyo Yaaqshiid sida ay kaalintooda uga qaadanayaan hirgelinta waddadan oo muhiim u ah isusocodka iyo ganacsiga degmooyinkaas.

Eng.Yarisow ayaa kula dardaarmay Ingineerrada ku hawllan dhisidda waddadan in ay hirgeliyaan laami dhaxal gal ah oo adkeysi u leh biyaha roobka, isla markaasna lagula xisaabtamayo dhismaha jidadka oo ah hanti guud ah.

Sidoo kale, Guddoomiyeyaasha degmooyinka Warta-nabadda iyo Yaaqshiid ayaa bogaadiyey hirgelinta waddadan, iyagoona uga baaqay bulshada degmooyinkaas in ay la shaqeeyaan injineerrada hawshan wada, si is-xilqaan ahna ay uga qeyb qaataan hawlaha kale ee la xiriira bilicda iyo horumarinta.

Dhanka kale, Duqa Caasimadda ayaa u kuur galay xaaladda amni iyo ganacsi ee bulshada degmooyinkaas, isagoona qaar ka mid ah goobahaas kula kulmay dhallinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Advertisement

Ku Xayeysiiso