Agaasimihii Maamulka Iyo Lacagta Wasaarada Warfaafinta Xasan Maxamuud Oo Kolkii Xilka Laga Qaaday Ku Kacay,Fal Aan Noocisu Hore Uga Dhicin Hay’adaha Dawladda.

Agaasimihii Maamulka Iyo Lacagta Wasaarada Warfaafinta Xasan Maxamuud Oo Kolkii Xilka Laga Qaaday Ku Kacay,Fal Aan Noocisu Hore Uga Dhicin Hay’adaha
Agaasimihii Hore Ee Maamulka Iyo Lacagta Warfaafinta Xasan Maxamuud Oo Mudooyinkii U Danbeeyay Ku Eedaysnaa Lunsiga Hanti Lacgeed Oo Ka Badan Hal Million Oo Dollar Oo Uu Ka Dhacay Wasaaradda Warfaafinta,Isla Markaana Xabsiga Loo Taxaabay Bishii March Ee Lasoo Dhaafay,Kaa Dib Markii Ay Dacwad Kusoo Oogeen Hanti Dhowrka Guud Ee Qaranku,Ayaa Kadib Damaanad Lagu Soo Daayay Waxa Uu Kusoo Noqday Wasaarada Warfaafinta Mudadaasi Uu Damaanada Ku Joogay.
In Kastoo Ay Xaaraan Ahayd In Maadaama Uu Ku Eedaysan Yahay Fal Musumaasuq Isla Markaana Kiiskiisa Gacanta Lagu Hayo,In Uu Kusoo Noqdo Wasaaraddii Laga Soo Xidhay,Hadana Inuu Kusoo Laabto Xafiiskii Uu Ka Hawlgeli Jiray, Waxaa Fursad U Siiyay Oo Si Badheedh Ah Ugu Soo Celiyay Wasiirkii Hore Ee Warfaafinta Guri Barwaaqo.
Waxaa Hadaba Dhacday Kolkii Uu Xafiiskaasi Maamulka Iyo Lacagta Maamlmo Kooban Ka Hawl Gelayay,In Xilkii Wasaaradda Laga Xayuubiyay Wasiirkii Iyo Wasiir Ku Xigeenkii Wasaaradaasi,
Waxaana Madaxweynuhu U Soo Magacaabay,Wasiir, Wasiir Ku Xigeen Iyo Agaasime Guud,Halka Uu Agaasimaha Maamulkuna Shaqadiisii Halkii Ka Sii Watay.
Hadaba Kolkii Ay Madaxdaasi Cusubi Wasaaradda Joogtay Qaddar maalmo kooban ah,Waxay Isla Qaateen In Aanay Suurto Gal Ahayn In Agaasime Maamul Oo Dacwadi Kaga Socoto Maxkamadda,Isla Markaana Ku Eedaysan Boob Uu Kula Kacay Hantidii Qaranka Inuu Kasii Shaqeeyo Wasaaradda.
Waxaana Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed Muuse Diiriye Uu Xilkii Ka Qaaday Agaasimihii Maamulka 10kii Bishii April Ee Sannadkan.
Hadaba Dhacdada La Yaabka Lahayd Waxay Ahayd In Maalintii Xilka Laga Qaaday,Agaasimihii Maamulka Maalintii Ku Xigtay Lagu War Helay Computeradii Xafiiska Maamulka Ee Ay Ku Jireen Dhammaan Daatooyinkii Nidaamka Maamul Iyo Lacageed Ee Wasaarradu Ay Wada Faaruq Yihiin,Kadib Kolkii Uu Formute Gareeyay Ama Masaxay Waxii Ku Jiray,Agaasimahaasi Xilka Laga Qaaday,Isagoo Ujeedadiisu Tahay Inaan La Helin Wax Raad Ah,Oo Qayb Ka Noqon Kara Eedaha Loo Haysto,Isla Markaana Uu Sii Curyaamiyo Hawlaha Shaqo Ee Wasaaradda.
Arrintaasi Waxay Af kala Qaad Ku Noqotay Madaxdii Ku Cusbayd Wasaaradda Ee Madaxweynuhu Usoo Magacaabay,Iyadoo Lagu Jaha Wareearay Ujeedada Uu Ninkaasi Ka Lahaa Fal Denbiyeedkaasi Culus.
Kadib Muddo Todobaad Ah Oo Ay Hakad Galeen Hawlihii Wasaardda Isla Markaana Ay Dedaal Badan Sameeyeen Madaxdii Wasaarda Oo Ay Dhibkaasi Kula Tacaalayaan,Waxa Aakhirkii U Suurto Gashay In Farsamo Yaqaanno Aqoon U Lehi Soo Celiyaan Qaddar Macluumaadkii Iyo Daatooyinkii Agaasimahaasi Masaxay Ka Mid Ah,,Hawlihii Shaqona waxay intii Badnayd Kusoo Noqdaan Sidoodii Caadiga Ahayd,
Hadaba Waxaa Is Waydiin Leh Ilaa Imika Inaan La Qaadin Wax Tallaabo Ah Oo Ka Dhan Ah Fal Denbiyeedkaasi Uu Sida Badheedhka Ah Ugu Kacay Agaasimahaasi Maamulka Iyo Lacagta.
Maxayse Tahay Sababta Uu Qof Bulshada Ka Mid Ahi Ilaa Heerkaa Ugu Dhiiran Karo Inuu Ka Tirtiro Macluumaad Qiime Weyn Ugu Fadhiya Qaranka Computeradii Wasaarad Ama Hay’ad Dawladdu Leedahay,maxayse tahay qawaaniinta dhinaca sharciga ee ka taalla ,
Shakhsiga fal-denbiyeedka noocaasi ah ku kaca? Bal Idinba!
Cabd Xasan Cumar-jiir………Hargaysa.

Advertisement

Ku Xayeysiiso