QM oo shaqaalaheeda ka qaadaneysa Dalka Suudaan

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay qeyb ka mid ah shaqaalaheeda ka qaadaneyso Dalka Suudaan, markii ay halkaasi ka dhaceen rabshado iyo dilalal.

Farhan Haq, oo u hadashay Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa ayaa intaa ku dartay in ay si ku meel gaadh ah ugu sii howl geli doonaan Khartuum xubno muhiim u ah.

Dhinaca kale Midowga Afrika ayaa ka ku baaqay kulan deg-deg ah oo lagaga xaajoonaya xaaladda sii murgeysa ee Dalka Suudaan, lamana sheegay goobta iyo xilliga la qabanayo.

Hoggaamiyeyaasha is-bedel doonka Dalka Suudaan ayaa ku Gacan saydhay in ay wada hadallo la galaan Golaha Millateriga, markii ay ka cadhoodeen in ka badan Boqol Qof oo lagu dilay Khartum, falkaas oo ay ku eedeeyeen in ay ka dambeeyeen Ciidamada.

Advertisement

Ku Xayeysiiso