M. BIIXI HOGGAAMIN AAN LA MAHADIN!

Cabdinaasir Axmed Abraham
Khaladka farsamo ee ugu weyni wuxuu dhacay markii aan qarnigii 21aad askari keligii saxane ah oo wax walba yaqaanna u dooraynay hoggaanka dalka. Hasa yeeshee, bal aniga oo
ka dab-qaadanaya hannaanka garasho ee hoggaanka dalka aqoonta aan u leeyahay sow ma habboona in aan halkaa ka oddoroso jahada aynu u kacnay in ay tahay mid aan u lunnay?!
Astaamaha waaweyn ee guul-darrooyinka hoggaaminta M. Biixi farta ku fiiqaya waxa aan ugu horreysiin lahaa;
1. Waxa jira dhaqaale burbur noloshii dadka oo dhan taabtay, waxa gebi ahaan ba suuqyada ka istaagay dhiskii iyo kala-iibsigii dhulka iyo guryaha sababo la xidhiidha heehaabka sixirka Sarrifka. Ganacsatada oo la saaray culays badan oo aanay qaadi karinna waxa ay sababtay hoos u dhac ku yimid wax soo iibsigii. Sida oo kale, sarrifkii Dollar ka qiimaha ay ganacsatadu wax ku cashuuran jireen ayaa la kordhiyay. is biirsiga dhammaan arrimahaa aan xusnay iyo kuwa kale oo jira waxa ay suuxiyeen dhaqdhaqaaqii ganacsi ee suuqa.
2. Jeelasha ayaa buuxsamay oo xadhiggii baa ciidda ka batay, waxa la xidhxidhay dad xasaanad haysta, taasina waa calaamad inna tusaysa in sharcigii uu duuduubay Madaxweyne Biixi mana aha wax cusube waa dhaqan askartu leedahay!
3. Ciidanka Qaranka dhexdiisa waxa ku faafay xannuun halis ku ah midnimada cududda ciidan qaran. Taasi oo salka ku haysa siyaasad gurracan.
4. Shan iyo toban bilood ayuu madaxweynuhu xallin kari la’ yahay khilaaf aad iyo aad u yar oo ku saabsan wax ka beddelka guddiga doorashooyinka. Taasi oo haatan u eg in madaxweynaha oo halka uu qabsado loo jaro ma ogi’e aan xal kale jirin. Doorashadana dalka wax badan baa kaga xidhan, daneeyayaashuna inta badan safarradii ay dalka ku yimaaddeen waxa ay madaxda dalka oo uu Madaxweyne Biixi ugu sarreeyo kala hadlayeen qabsoomista doorashada.
5. Madaxweynaha walaalkii ayaa inta uu qurbe ka soo  guuray dad masaakiin ah ku dulmaya shaadhka walaalkii Madaxweyne Muuse Biixi oo dhulkoodii ka kicinaya awood na u haysta. Waa ceeb, waa wax aan dhicin intii aan garaadsaday, waa wax laga yakhyakhsoodo marka damiirku nool yahay!
6. Hargeysa oo aan ka war qabo waxa xidhmay lix shirkadood oo kuwii dhiska ah oo iskugu jira yaryar iyo waaweyn, sida oo kale waxa xidhnay joornaallo badan, hudheellada albaabada la isku laabay kaddib intii uu hoggaanka dalka M. Biixi qabtay iyagu way tiro beeleen!
7. Musuqa iyo xatooyada xoolaha ummaddu iyagu waa war la qabaa xiiso ma leh oo wax ba sheeg madiisu idiin tari mayso.
La soco..

Advertisement

Ku Xayeysiiso