Millitariga Suudaan oo ku dhowaaqay in ay Sagaal Bilood ka dib doorasho qaban doonaan

Taliyaha Ciidanka Millitariga Dalka Suudaan, Jeneral; Abdel Fattah al-Burhan, ayaa Maanta oo Salaasa ah ku dhowaaqay in Bisha 9-aad ee Sanadkan ay dhici doonto Doorasho.

Tallaabadan ayaa timid markii uu bur-buray heshiiskii ay horay u gaadheen Golaha ku meel gaadhka ah ee Millitariga Suudaan iyo qaban-qaabiyeyaasha dibed baxyadii lagu riday Cumar Xasan Al-Bashiir.

Ciidanka Millitariga Suudaan ayaa xoog ku kala eryay mudaharaadayaasha, kuwaas oo fadhiisimo ka samaystay afaafka hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo xarumo kale oo muhiim ah, halkaas oo ay ku geeriyoodeen ku dhowaad 30 Qof oo Shacab ah.

Jeneraal Burhaan, ayaa intaa ku daray in ay doorashadu ka dhici doonto dhammaan Dalka oo idil, isla markaana ay goob joog ka ahaan doonaan kormeeryaal ka kala socda Gobolka iyo caalamka intuba.

Advertisement

Ku Xayeysiiso