Dhibanayasha 2-dii masjid ee New Zealand oo loo ballanqaaday $ 70,000

Wiil 17-sano jir ah oo ka soo jeeda dalka Australia ,isla markaana ku caan baxay Wiilkii Ukunta,ka dib kolkii uu madaxa Ukun kaga dhuftay siyaasi ku xadgudbay muslimiinta ayaa lacago gaadhaya 70-kun oo doolar ugu yaboohay qoysaska dadkii wax ku noqday weerarkii loo geystay 2-dii masjid ee magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.

Will Connolly oo ka soo jeeeda magalada  Melbourne ayaa maalinimadii shalay baraha bulshada ku soo qoray in lacagahaasi uu u dhiibayo 2 urur samofal oo qaabilsan taageeridda dadkii wax ku noqday weeraradii 2-dii masjid.

Lacagahaasi ayaa lagu waramay in ay soo uruuriyeen taageerayaasha wiilkaasi xilli ay ku socotay dacwad loo heystay oo la xidhiidhay ukun uu madaxa uga dhuftay Senetor hore (Fraser Anning) oo ka  hadlay weeraradii lagu fuliyay 2-dii masjid,kaas oo ku tilmaamay muslimiinta in ay yihiin asal raac,ayna sababeen weeraradaasi.

15-kii March ayeey aheyd matkii Brenton Tarrant oo ka soo jeeda Australia uu toogasho u geystay dad muslimiin ah oo ku sugnaa 2-masjid oo ku yaala dalka New Zealand ,kaas oo qudha ka jaray 51-ruux.

Advertisement

Ku Xayeysiiso