Ciida Maanso Hal abuur Qoraa Xamse Riiraash

Ciidu waa ayaan wacan,

Ciroole iyo dadkoo idil,

Ay aroortaa ceeshaaan,

Waa farxadiyo damaashaad,

Cidhoofkoo dhan gaadha,

Cisho weeyi yaabloo,

Waxa carrada joogaa,

caddaan ugu ahaatoo

Dadku ay caleemiyo,

Dumarkuna cilaan iyo

Qaar kalana cadar iyo,

Carfi wada udgoona badan,

Ay Ku camiraan dharkoodoo

Qaraabada ciddoodiyo

Cindogooda joogtiyo

Caalamkaa dhamaantii,

Salaan aad u caaniyo,

Nabad ku ladhan caaniyo,

Cimri badan jireysa

Caynkeeda u diraanee

Ciid wacan dhamaantii

hamse riraash

Advertisement

Ku Xayeysiiso