Akhri Sababta Uu Madaxweyne Muuse U Tacsiyayn Waayay Alle Ha Unaxariistee Sheekhii Aaskisu Shalay Kulmiyay Reer Somaliland Sheekh Cabdilahi Cabdi Oday.

Akhri Sababta Uu Madaxweyne Muuse U Tacsiyayn Waayay Alle Ha Unaxariistee Sheekhii Aaskisu Shalay Kulmiyay Reer Somaliland Sheekh Cabdilahi Cabdi Oday.

Hargeysa() –  Alle ha naxariistii waxa Shalay duhurkii Xabaalaha BAQIIC ee Wogooyiga Caasimadda Hargeysa aasqaran loogu sameeyay Sheekh Cabdilaahi Cabdi Oday oo habeen hore Hargeysa ku geeriyooday kaasi oo ka mid ahaa Culimadda ugu miisaanka Culus Somaliland islamarkaana door laxaadleh oo aan la ilaawi Karin kasoo qaatay kobcinta iyo Fidinta Diinta Culuumta Diinta Islaamka tan iyo intii ay Somaliland dib ula soo noqotay Gooni isutaageeda.

Sheekh Cabdilaahi Cabdi Cali waxa uu ahaa Imaamkii, Khadiibkii Masjidka weyn ee Furqaan ee Xaafadda Xero-Awr ee Magaalada Hargeysa, Waxa kale uu ahaa Mulkiilihii/Maamulihii Macaahida Faca weyn ee Furqaan oo Culimo iyo aqoon yahan badani ka qalin jabiyay, islamarkaana la aasaasay markii dalka dib loogu soo noqday. Waxa uu u geeriyooday xannuun uu in muddo ah la ildarnaa, waxaana Shalay si heer Qaran ah loog aasay Magaaladda Hargeysa.

Haddaba waxa si weyn loo hadal hayaa aaskaasi kadib sababta uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u tacsiyayn waayay ee uu uga aamusay, iyadoo dhamaaan Gudoomiyayaashii Axsaabta qaranka Sida Gudoomiye Cirro iyo Faysal Cali Waraabe ay bulshada markiiba la wadaageen geerida xannuunka badan ee ku timid Macalinkii Weynaa Alle ha unaxariistii Sheekh Cabdilaahi Cabdi Cali.

Baadhis kooban oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in Madaxweyne Muuse Biixi oo lagu xanto inaanu qofkii ay maruun wax dhex maraan ama ka fikir duwanaada aanu saamixin ama uu ka aargoosto ayaa lagu ogaaday in Sheekh Cabdilaahi uu caloosha ugu hayay uurkutaalo layaableh taasi oo sababtay  inuu xiitaa tacsiyayn waayo. Alle ha unaxariistee Sheekh Cabdilaahi ayaa ka mid ahaa Gudidii Beelaha Sacad Muuse ee Shirkii HOODAALE, isagoo markii dambe ka mid ah noqday garabkii Gudidaasi ee go’aanka dhex dhexaadnimada ah qaadatay ee ka fogaatay inay ku kacaan Fidir beesha dab ka dhex dhalin kara, waxaanu wakhtigaasi si weyn loolan uga dhexeeyay Cabdicasiis Muxumed Samaale iyo Muuse Biixi Cabdi. Wakhtigaasi ayaa la ogaaday inuu Muuse aad uga cadhooday sababta uu ugu hiilin waayay ee uu fadqalado iyo afduub uu doonayay Muuse ugu taageeri waayay Alle ha unaxariistee Sheekhu. Xubno uu ka mid ahaa Alle ha unaxariistee Sheekh Cabdilaahi iyo Sheekha weyn ee isna lagu magacaabo  Sheekh Almis Yaxye oo Hargeysa jooga ayaa waxa ay qaateen go’aan ah inaan siyaasada lala soo dhex galin reerka(Sacad Muuse)  ee ay Muuse iyo Cabdicasiis Samaale kusoo kala baxaan Xisbiga Kulmiye gudihisa, sidaa darteena kii soo baxa Beesha taageero looga dhex raadiyo, waxaanay  ka gaws adaygeen oo ay ka diideen in beeshu kala raacdo oo ay kala jajabto fikirkaasi oo uu Muuse wax ku raadinayay.

Waa dhacdo muujinaysa sida Madaxweyne Biixi xiitaa aanu dadka kaga hadhin Xabaalaha ee uu uga aargoosto, waxaanay noqonaysaa in aamusnaantaasi uu u tacsiyayn waayay ay ka mid tahay mid aargoosi ah oo uu ku nafisayo

Advertisement

Ku Xayeysiiso