RAMADAANTU WAA TIIR MAANSO HAL ABUUR QORAA XAMSE RIIRAASH

Ramadaantu waa tiir,

Islaanimo u taagan,

waa taabo nololeed,

ajri iyo tawaab iyo,

laga hello wax toganoo,

ruuxii u taabo galoo,

taabta kheyrkeeda oo taxa ,

ayaa tiriig baxa ka hella’ee

janada la taga oo ,

tacab badan la galiyeey

tagisteeda u sahal tahee,

u taagnaada kheyrkoo,

ku tartama wanaagoo,

tasbiixdiyo tadkiirtiyo

qur’aankea tayeeyoo,

toosiya oo akhriyoo,

ku tallaala kheyrka.

Hamse riiraash

Advertisement

Ku Xayeysiiso