Daawo: Madaxii Kominshanka Booliska Dawlad deegaanka Somalida Oo Md Xasan Dheere Oo Waayaadaa lagu raad joogay oo lagusoo qabtay Xadka Somaliya iyo Ethiopia u dhaxeeya

Daawo: Madaxii Kominshanka Booliska Dawlad deegaanka Somalida Oo  Md Xasan Dheere Oo Waayaadaa lagu raad joogay oo lagusoo qabtay Xadka Somaliya iyo Ethiopia u dhaxeeya

ETHIOPIA OO QABATAY SARKAAL AY KU RAAD JOOGTAY.

Ciidamada Ethiopia ayaa Galdogob ku qabtay Xasan Ismaaciil Ibraahim (xasan dheere), oo ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka liyuu Police, kaasi oo loo haysto inuu Gaystay Xad-gudub Waydaarsan Xuquuqda Aadamaha, oo ka dhacay Xabsigii Tacadiyada Caanka ku noqday ee Jeel Ogaadeen ee ku yaala Magaalada jijiga xiligii ay jirtay xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar, oo isaga laf ahaantiisa maxkamadi ku socoto.

 

Xasan dheere ayaa u baxsaday dhinaca soomaaliya markii ay dhacday xukuumadii uu ka tirsanaa ee Cabdi ilay.
waxaa uu ka mid yahay 44 sarkaal oo ka tirsanaa xukuumadii cabdi ilay dawladda Itoobiya ay doonayso in lasoo xidho, si Maxkamad loosoo Taago sababo la xidhiidha xadgudubyo ay ka gaysteen Deegaanka Soomaalida.

Dawlada itoobiya ayaa ku raadjoogta saraakiishii ku lugta lahaa ama lagu tuhunsanaa in ay la soo shaqeeyeen maamulkii hore ee uu hogaaminayey Cabdi Maxamuud Cumar.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso