“Ceel Af-weyn Boog Xun Bay ku noqotay Somaliland, waana…..”- Wasiir Xukuumadda ka tirsan

“Ceel Af-weyn Boog Xun Bay ku noqotay Somaliland, waana Mushkilad inteeda leeg”- Wasiir Xukuumadda ka tirsan

Hargeysa (Togaherer) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay Qof lagu dilay Degmada Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag, dilkaasi oo ka dhex dhacay laba Beelood oo hore halkaa loogu heshiisiiyey.

Dilkan oo dhacay ayaa loo geystay Nin ka soo jeeda mid ka mid Beelaha Ceel Af-weyn dega, arrintaasi oo wer-wer amni-darro abuurtay.

Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland, Boos Mire Maxamed oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Ceel Af-wenyn oo haddii wax ka dhacaan ay Somaliland oo dhami ka wada naxaan, Shalay Nin baa lagu dilay ah beelihii wixii awood ku baxday aad ogaydeen, wixii kharash iyo Gurmad ku baxay, iyagoo waxoodii intii badnayd dhamaystay oo xitaa Magahii kala qaatay in hadda wax wixii u eg ay soo noqdaan waa arrin aad iyo aad looga naxo, Somaliland waxay ku noqotay boog xun, kuwan Maalmahan Ramadaanta ah ee Ilaahay doortay Dhiigga Qofka Muslimka ah daadinaya waa Mushkilad inteeda leeg, Ilaahay ha innaga damiyo..”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Waxaan baaq u dirayaa Beesha uu ka soo jeedo Marxuumka uu dhintay ee dhibbanaha ahi sidaynu hore ugu ballannay, nabadda iyo colaaddaba waad joogteen, markaa waa inaad samirtaan oo aad sugtaan Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, beesha kalena waxaan leeyahay ee Qofka wax geystay ka dhashay Caqliga dib ha loogu noqdo..”ayuu yidhi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso