Madaxweynaha Somaliland Ayaa Qaabilay Ardaydii Kaalmaha Hore Ka Soo Galay Tartanka Qur’aanka Dalka Djibouti.

Madaxweynaha Somaliland ayaa Qaabilay Ardaydii Guulaha Ka Soo Hooyey Tartanka Quraanka Ee Dalka Djibouti, Warsaxaafadeed Ka Soo Baxay Qasriga Madaxtooyada Somaliland Ayaa U dhignaa Sidan:-

WAR-SAXAAFADEED: 22/05/2019
Madaxweyne Muuse Biixi oo Qaabilay Saddex Arday oo reer Somaliland ah oo Kaalmaha Sare Ka Galay Tartan Qur’aanka Kariimka ah oo Dalka Jabuuti Lagu Qabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saddex Arday oo reer Somaliland ah oo kaalmaha sare ka galay tartan Qur’aanka kariimka ah oo lagu dalka Jabuuti.

Saddexdan Arday oo kala ah Bashiir Cabdilaahi Maxamed la tartamay kow iyo toban (11) Arday oo ka kala socda dalal Carab iyo Afrikan isugu jira, islamarkaana kaalinta koowaad usoo galay iyo Cabdiwaasac Maxamuud Cabdisalaan iyo Cabdilaahi Cabdifataax Macallin Shukri oo iyaguna kaalmo wanaagsan kasoo galay tartankan, ayuu madaxweynuhu si gaar ah ugu qaabilay xafiiskiisa, waxana uu ku bogaadiyey guusha ballaadhan ee ay soo hooyeen iyo dedaalka ay sameeyeen iyaga oo da’ ahaan aad u yaryar.

Madaxweynuhu waxa uu saddexda Arday kula dardaarmay inay dedaalkooda sii wadaan, xifdinta qur’aanka iyo qowlka Eebbena muhiimad gaar ah siiyaan, waxana uu ku sifeeyey tusaale wanaagsan oo ka markhaati ah kartida iyo dedaalka Da’yarta Qur’aanka barata ee reer Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Advertisement

Ku Xayeysiiso