Roobkii waa inoo curtay se baritoole waa inoo ilmo iyo cabaad .

shaki kuma jiro inuu rabi subxaana watacalaa inagu abuuray dhul uu nimcadiisa kala jaadjaadkaa ku manaystay sida dhul aad ubaxaad wayn , caro nafaqo leh , qorax , biyo iyo waliba xoolo nool .nimcooyinkaa kala jaadka maanta dunidan aynu ku nool lahay way yartahay ama waa naadir dal nimcooyinkaa kala duwan dhulkiisa laga helayo , iskaba dhaafee qaaradaha yurub sannadkii mawada helaan qorax , inta badan se waxaa ka da,a baraf , hadana waa kuwaa ka xoroobay faqriga ( poverty) , biyo li,ida (lack of drinking water) , nafaqo darada (malnutrion) , sixir bararka (inflition)

dalalka yurub iyo america markaynu ka nimaadno intaynaan meel fogba gaadhin dalal badan oo qaaradan africa inagula yaala ayaa maanta dunida kowaad ku darsamaya kuwaaso baahiyahoodii asaasiga iska kafeeyay kadib maskax , fikir , juhdi iyo dadaal ay dalkooda galiyeen, halka ay inagu qarnigan labataanaad kawada fikirayno sidaynu quutal daruurigii u heli lahayn .

saaxiib waxaa is waydiin mudan isku waqti maynaan ku dhalan mujtamacyadaa horumarka iyo badhaadhaha gaadhsiiyay dadkoodii iyo dalkoodii mise waqti kayar ayaynu ku dhalanay ? dabcan isku waqti ayaynu ku dhalanay , laakiin inagu hadaynu somali nahay waynu la seexanay maskaxdeenii iyo caqligeenii .

waxaa maanta layaab leh mujtamac dhan oo boqolkiiba sideetan magaalada ku nool oo waxay cunaan iyo waxay cabaan uun ka fikiraya , dhamaantoodna aan xirfad iyo farsamo gacmeed aan lahayn inyar mooyee , dhamaantoodna aan ogalayn inay tacab galiyaan dhulka , xafiis iyo kursi lagu fadhiisto mooyee , oo intooda badana baabuur wada wata , siday unoolayaan ?
baabuurta laftarkoodu mushkiladaha ugu wayn ee mujtameecana haysta ka mida , kuwaaso kumanaanka gadhiyi maalin kaste inaga saraan dhaqaale badan oo loo siinayo shidaal , taayir , spareparts, hada ogowna ma nihin sidaynu hore usoo jeegnay dal waxsoosaar leh ,

hadaba waxaa iswaydiin mudan sidaynu uga baxaynaa oo uga xoroobayna faqriga ( poverty) , sixirbararka ( inflition) madaama aynu gacmaheeni aynu wada laabanay .

waxaa kaloo xusid mudan , maalmo ka hor inaynu ka cabanaynay abaar iyo roob li,i , se roobkii inoo curtay oo uu dhawr cisho da,ayay , waa ilaahay mahadii raxmaadkaa inoo da,ayaaye , waxaa iswaydiin mudan raxmaadka makafaa,idaysanay ? mayee faa,ido dhaafe biyaha mawjada ee dooxyadeena burqanaya khasaare naf iyo maal ah mooyee kama faaidaysano , baritana waa abaartii iyo ilmadaydii shalay toolee i haysatay ayaa inahaysata.

dunidan aan ku nool nahayna dal ma jiro ayagoo hodana rabi ku abuuray kawkabkan , se dunidaa horumaray way soo mareen nolol xumadan iyo saxariirkan ina haysata se waxay layimaadeen caqligii ay kaga bixi lahaayeen , ayagoo maskaxdooda adeegsaday , heer ay gaadheen maanta inay dayaxgamceedyo u diraan hawada sare oo ay ku loolamaan.

xalku muxuu yahay ? :

xalku waxaa weeye inaynu maskaxdeena iyo xoogeena galino dhulkeenan nimcadu dahin tahay oo aynu biyaheena bada tooska ugu darsamaya aynu qabsano oo aynu beero ka falano , korontana ka dhashano .

waxaa kaloo xalku yahay dawladu waa inay kantaroosha ooy adkaysaa kumaanaankan gaadhiyee yaryar ee sanadkasta dalkeena laga soo dajinayo ee aynaan wadooyin u haynin ay kala maraan , dhulkiina nabad guuriyay sidoo kale boqolaalka darwal ee ku xoogsada baabuurada , xoogooga galiyaan dhulka waxsoosaarna kala soo baxaan , dhaqaalaha waxsoo saarkaas kasoo baxana dhulkeena dib ugu noqonayo , oo lacagtii wadamada inoo fikiray ee baabuurta bilaa tayadaa ino soo dhoofinayay inooga hakan lahayd iyo shiidalkaba .

Allaa mahadle
mohamed abdirahmaan ( dhumiye)

Advertisement

Ku Xayeysiiso