Sacuudiga oo dilay 8-ruux oo ay ku sheegeen argagixiso

Sideed xubnood oo maamulka dalka Sacuudi Carabiya ay ku sheegeen in ay yihiin Unug argagixiso ayaa maalinimadii shalay lagu dilay gobolka dhaca Bariga dalkaasi ee Qatif .

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in raggaasi la dilay ka dib markii ay diideen in ay is-dhiibaan,waxayna rasaas  la beegsadeen ciidamada ammaanka oo isku gadaamay dhismo ay ku jireen kooxdaasi ee deegaanka Sanabis .

Afhayeen u hadlay ciidamada ayaa sheegay in Unuggaasi ay diyaarinaayeen falal argagixiso ah oo dhan ka ah amniga dalka Sacuudga,gaar ahaan gobolka dhaca Bariga dalkaasi.

Ma jiraan cid ka tirsan dadka  rayidka ah  ah iyo ciidamada ammaanka oo wax ku noqotay howlgalkaasi lagu ugaadhsanaayey unuggaasi argagixisada ah.

Tallaabadaan ayaa imaaneysa ka dib kolkii ciidamada ammaanka oo raadinaya rag la tuhmayo ay go’doomiyeen magaalada Umm al-Hamam oo ka tirsan gobolka Qatif,halkaaasi oo la tilmaamay in lagala horyimid iska cabin.

Horaantii sanadkaan maamulka dalka Sacuudi carabiya sheegay in gobolka Qatif ay ku dileen dhowr qof oo la tilmaamay in ay ahaayeen kooxo hubeysan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso