Maanso(allow gee janada)Illaahay ha,unaxariisto x cabdi.

Maanso(allow gee janada)
Illaahay ha,unaxariisto x cabdi.
Geeri naxdinloo
Na murug gelisiyo
Geesigii cabdoo
Inaga wada go,ay
La sheeg galabtee
Allow gee janada,
Furaa nolosha geed
Kasta ha ugalee
Gacma wadajirbay
Wax ku gooyaan
Ku guuleysayoo
Giiji nabadee
Allow gee janada,
Si,aanay garboobku
Caanaa uganbiyin
Miskeedka gobaad
Hadba kii galuu
Ku garab joogaye
Allow gee janada,
Gogol lagu ladiyo
Geedigii jeer
La furay guryo-samo
Nabadu uguntaduu
Heegana ugalee
Allow gee janada,
Saaxiibu garaad
Gobonimo jiroo
Go,aan samo uloo
Guurtiyuu ahaa
Allow gee janada,
Odeynimo geyiga
Wada gaadheybaa
Ugooni ahayde
Allow gee janada
By siciid maxamed  cali
From finland

Advertisement

Ku Xayeysiiso