Maanso Baroor Diiq Ah Geerida Xaji Cabdi Waraabe

Innaa lillaahi wa innaa ilayhi rajicuun
MAANSO BAROOR DIIQ AH 
GEERIDA “XAJI CABDI WARAABE”
 
 By: Ali Xaruuri
 
 
Dhaaxaa rag go’ayoo
godka aynu dhigaynoo
geeri aan u joognee
tani goba’di weeyaan 
 
Warkan galabta noo yimi
gundhigiisu wuxuu yahay
geestii loo badnaa buu
CABDI uu guuroo
guula kaxaystee

 

 
ALLAH  gocasho weynaa 
galiilyadani kululaa
murugadu gun dheeraa
 
 
XAAJIGU ma guurtiyo
Gallad EEBBE  siiyuu
gayigan u ahaayoo
ka tilmaaman GEESKEE
ma galbaday halyeygii
 
guurti buu ahaa dhaba
nabadda u guntada oo
qaranimada gaadh ka ah

abaalkii u noo galay

Alluun baa u gudi kara
 
TAWXIID baa ku gaadhane
Calankan guudka sudhan baan
maanta gaabin laayoo
gunta aan ku simi laa
e GUULLAAN  ka baqayaa
 
gebagabadii maansada 
Somaliland guud
goluhuu ka baxay iyo
eheladiisa gaarka ah
tacsi baan u gudbinayaa
 
isna guriga Aakhiro 
inu galo fardowsaan
guula uga tuugee
Aamiinta ila gura
Aamiin Aamiin Aamiin
By: Cali Xaruuri
Rotterdam, Holland

Advertisement

Ku Xayeysiiso