Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa qoraal uu soo saaray ugu tacsiyeeyay Ehelada Marxuum Xaaji Cabi Waraabe isagoo kaalintiisiina ka sheekeeyay.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa qoraal uu soo saaray ugu tacsiyeeyay Ehelada Marxuum Xaaji Cabi Waraabe isagoo kaalintiisiina ka sheekeeyay.

Qoraalka ayaa u dhiggan sidan.

XAAJI Cabdi WARAABE: Wuxuu ahaa Astaanta Nabadda iyo wada Noolaanshaha.

Anigoo ah M/weynihii hore ee JSL Axmed Maxamed Silanyo, waxaan Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Qoyska, Ehelka, Qaraabada, Asxaabta iyo dhammaanba ummadda JSL, anigoo uga Tacsiyadaynaya geerida ku timid Marxuum XAAJI CABDIKARIIM XUSEEN (Xaaji Cabdi WARAABE).

XAAJI CABDIKARIIM XUSEEN (Xaaji Cabdi WARAABE) wuxuu ahaa Tiiir adag, Dugsi lama huraan ah iyo Geed Damal ah oo ka baxay Ummadda JSL meel kasta oo ay ku sugan yihiinba.

XAAJI Cabdi WARAABE wuxuu ahaa Astaanta Nabadda iyo wada Noolaanshaha. Wuxuu ahaa Astaanta Is-cafiska, Is-weheshiga iyo dabarka Is-aaminaada Ummadeena.

XAAJI Cabdi WARAABE wuxuu ahaa Hiraalka wax-garadnimo iyo Heemaalka xil-kasnimo ee lagu majeerto SIFOOYIN badan oo LIBIN u ah Ummadeena: sida run sheegnimo, hadal cadaan, xaqa oo aanu ka leexan, ku adkaanshaha Qaranimada iyo ka shaqaynta danta guud ee shacabka.

XAAJI Cabdi WARAABE
waxaanu si dhaw uga soo wada shaqaynay marxalado kala duwan oo ay soo martay Ummadda JSL, sida xilligii Halganka, Aasaaskii Guurtida, Xasilinta iyo Nabadaynta beelaha, Yagleelka Dawladnimada iyo Qarannimada, Hanaqaadka Dimuqraadiya iyo Doorashooyinka, iwm.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

Advertisement

Ku Xayeysiiso