Madaxweynaha Puntland oo Ka tacsiyeeyey Geerida Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe).

Madaxweynaha Puntland oo Ka tacsiyeeyey Geerida Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe).

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Hargaysa.

Madaxweynaha Puntland ayaa uga tacsiyeeyey geerida Marxuumka qoyskii, qaraabadii, eheladii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, waxaan uga tacsiyaynayaa qoysaskii, eheladii iyo qaraabadii geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe), waxaan Alle “SWC” u waydiinaynaa Marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, samir iyo imaanna ka siiyo ummadda Soomaaliyeed oo dhan”

“Xaaji Cabdi Waraabe waxa uu ahaa haldoor Soomaaliyeed oo nabadda jecel, waxa uu door muhiima ku lahaa xasiloonida iyo nabadgelyada deegaanada Soomaliland, Isla markaana waxa uu kasoo qayb-qaatay Halgankii Gobannimo doonka Soomaaliyeed, Alle ha u naxariisto, Alle Janadiisa Fardawsa haku abaalmariyo, su’aasha qabriga Alle ha u sakhiro, samir iyo imaanna Alle ha inaga siiyo” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA,WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Advertisement

Ku Xayeysiiso