FAAIDOOYINKA CABITAANKA SHARAABKA BISHA RABAAN

Ramadaan kariim
FAAIDOOYINKA CABITAANKA SHARAABKA BISHA RAMADAAN

Waa in bulshada muslimiinta ee sooman helaan cuntooyin sharaab caano rashin la hubo tayadooda caafimaad iyo taariikhdooda isticmaal si ay uga badbaadan caafimaad daro kaga yimaada mudada bisha rabadaan ganacsatada dalka fariin caafimaad ilaahay ka baqa oo u fiirsadada badeecadaha ganacsi ee aad iibinaysaan
Tayada sharaabka dalka oo la ogaaday inuu ka tayo wanaagsan yahay
Sharaabkii dibada inooga iman jiray keydinta dajinta cimilada uu soo marayo iyo konteners lagu keeno oo aan lahayn qaboojiye ka ilaaliya isbadal ku yimaada

Sharaabka waa in had iyo goor lagu ilaaliya qaboojiye ama cimilo heerkul degen si aanu ugu iman isbadal tayo sharaab sidoo kale waa in aan lagu tuurin goobaha deegaamka bulshada marka uu xumaado ama uu dhaco taariikhdiisa isticmaal waa in loo gudbiyaa laamaha fayadhowrka dawliga si loo gubo
sharaabka dalka oo ka tayo wanaag san

Sharaabku waa caabitaan aynu u baahanahay waqti kasta sharaabku waqtiyadii hore waxa uu inooga iman jiray dalalka dibada halka manta ay maalgashadeen company Somaliland u dhashay oo ka hir galiyey dalka warshado waxsoosaarka sharaabka zamzam food industrial sida warshashada ilo tango spi trading co iyagoo kor qaaday dhaqaalihii dalka dibada uga bixi jiray iyo shaqo abuur ay ka hir galiyeen shaqo la aanta baahsan ee ka jirta dalka
Sharaabka iyo xaaladiisa fayadhowr xiliga bisha barakaysan ee rabadaan sharaabka dibada ka yimaada iyo xaaladiisa fayadhowr iyo shuurudaha caafimaad ee looga baahan yahay maadama sharaabka aad aynu u isticmaalo bisha rabadaan
Shaaabka dibada laga keeno oo runtii mushkalado nadan u soo wajaho sida burbur conteners lagu soo qaadayo oo aan lahayn qaboojiyo ku ilaalinta waqtiga keydinta dajinta xaaladkisa fayadhowr ee looga baahan yahay in lagu ilaaliyo iyado sidoo kale sharaabka oo taarikhdiisa isticmaal ay dhowdahay la soo galiyo gobolada dalka ha noqdo mid ku raaga goobaha dekedaha dalka
Waxaad arkaysaa marka ay taarikhdiisa ay ka hadhay 6 bilood iyadoo lagu xaraashay goob suuqa dhexdiisa oo bacadyaal ah taasi waa nidaam khilaafsan sharciga fayodhowrka ee aalinta dhowrida cuntooyinka iyo cabida
Sharaabku waxa uu had iyo goor u baahan yahay in lagu ilaaliyo xaalad cimilo degan kulalka badan ee sharabku soo maro waxay ku keenaysa sida dhadhanka sharaabka oo is badala weelka sharabku ku jiro oo foc ku yimaado etc waxa loo bahan yahay sidoo kale in cadayntisa warqada caafimad ee sharaabku marka uu kasoo dagayo dakada dalka uu saxsanyahay
Sidoo kale waa in la soo mariya goobaha baadhista dekadaha dalka marka uu soo dagayo

Sharaabka warshadaha dalka iyo xaaladisa fayadhowr

Sharabka ay soo saaran warshadaha wax soosar ee dalka runti kuma arkaysid waxyaabo isbadal ah taasay sabab u tahay isagoon soo marin wado socdaal oo dheer aynan soo wajahin ku ilaalin la an shuruucda looga bahan yahay fayadhowrka sharaabka sharabkan warshadaha dalka oo ay dalka ka hir galiyeen ganacsato muwaadinin ah markay eegen dhaqaalaha badan ee dalka dibada uga baxaya
Markay eegen xaalada dhibta cimilaayinka badan ee uu soo wajahayo sharaabka dibada waxay door bideen in ay dalka ka hirgaliyan warshado waxsoosar sharaab
Zamzam food industrial
Warshada sharabka ilo tango
Warshada sharaabka ee spi

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan
Fayo-dhawre madax bannaan
buux02010@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso