Wasaarada Gaadiidka JSL Aya Hirgalisay Barnaamij Tijaabo Ah Oo Ku Saabsan La Socodka Gaadiidka Dawlada Dhaqdhaqaaqooda , Iyada Oo Adeegsanaysa (GPRS System )

Hargaysa (THN) Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan  oo ay weheliyaan masuuliyiinta kale ee wasaaraddaasi ayaa waxa ay shaaciyeen inay hawl galiyeen qalab cusub oo lagula soconayo gaadiidka dawladda, iyada oo qalabkaasi halkaasi lagu soo bandhigay laguna tijaabiyey gaadiidka kala duwan oo ka hawl gala wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dalka, waxaana qalabkaasi lagu xidhay 10 gaadiid ah, oo ay leeyihiin 5 wasaaradood oo ka tirsan wasaaradaha dalka.

Mashruucan waxa loogu talo galay, markuu tijaabada ka baxo  in lagu xidho dhamaan gaadiidka dawlada, si loola socda dhaqdhaqaaqooda, isla markaana loo yareeyo kharashka badan ee dawlada kaga baxa shiidaalka

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sharxay muhiimada ay uu barnaamijkani u leeyahay gaadiidka dawladda, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Imika waxa aanu u taaganahay in la maamulo gaadiidka dawladda, insha Allah sanadkan 2019 ka waxa aanu ku dedaali doonaa sidii gobolada dalka goobihii dayactirka looga suurtogalin lahaa, markaa imika waxa aynu bilaabaynaa nidaamka lagula soconayo dhaq dhaqaaqa gaadhiga, runtiina waxa aan is leeyahay waxa ay wax badan ka tari doontaa yaraynta kharashaadka badan ee dawladda kaga baxa, haddii ay noqoto dayactirka iyo qalabka loo soo iibinayo labadaba, waxa aanu jecelahay inaanu u mahadnaqno wasaaraddaha iyo hay’adaha dawladda sida fiican ee ay noola shaqeeyaan ujeedada ka dambaysaana waxa weeyaan sidii dalku u noqon lahaa dal ku shaqeeyaa nidaamkan E-government waxa la yidhaahdo, taasi oo siyaasadda dawladda ee aanu doonayno inaanu abuurno ay ka mid tahay, waxa aanu halkan ka sheegaynaa inaanu aragno gaadiidka dawladda wakhtiga shaqada wakhti ahaan ahayn nidaamkana haddii uu suurto galo waxa la xadidi doonaaa dhaq dhaqaaqa gaadiidka dawladda”

Wasiirka  oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Ujeedada laga leeyahayna waxa ay qayb ka tahay uun hirgalinta gaadiidka siyaasadda dawladda haddii ay tahay xaga maamulka, haddi iay tahay xaga dhaq dhaqaaqa oo aad arkayso saqda dhexe iyo wakhtiyada aan la ogolayn gaadiidkii dawladda oo looga faa’iidaysanayo sifo gaar ah oo ay dad gaar ah iska wataan, arintaasi xal waara si looga gaadho, wasaaraddu waa ay daristay waxa ayna la tashatay dadka khibrada u leh, waxaananu aad ugu faraxsanahay in maanta ay soo gaadhay wakhtigii aynu tijaabin lahayn”.

Agaasimaha waaxda gaadiidka iyo farsamada ee wasaaradda gaadiidka Somaliland Muuse Ibraahim Yuusuf ayaa waxa uu sharaxay qalabkan casriga, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Sida aad wada ogsoon tihiin waxa ay wasaaraddu sanadkii 2018 kii ay diiwaangalisay gaadiidka dawladda, taasi oo xog buuxda ay ka hayso, iyada oo samaysay nidaam xog ururin ah oo ay kula socoto gaadiidka dawladda tiradooda, tayadooda iyo noocooda, inta shaqaynaysa, inta geerash ku jirta iyo inta hawl gabka ah ee khad ka baxa ah, sidoo kale wasaaraddu waxa ay samaysay nidaam kale oo xog ururin ah oo isagana lagula soconayo gaadiidka dawladda dhaq dhaqaaqooga”.

Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-sayid) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sharaxay ujeedada ay wasaaraddu ka leedahay barnaamijkan, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Maanta waxa aynu isugu nimid inaynu daah furno barnaamij tijaabo ah oo aynu ku tijaabinayno shan wasaaradood oo ka tirsan wasaaraddaha dalka oo aanu mid walba laba gaadhi aanu ka soo kaxaynay oo aanu ku xidhi doono adeega GPRS oo sahlaya in la ogaado dhaq dhaqaaqa gaadhiga ee 24 saacadood”.


 

Advertisement

Ku Xayeysiiso